Xil. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo Si Wayn uga Hadlay Xaaladda Maanta Dalku Maraayo

Medeshi

THURSDAY, 16 SEPTEMBER 2010

Hargeysa (TogdhNews)- Md. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland
, ayaa shaaca ka qaaday in aanay saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinku awood u lahayn in ay diidaan amma hor joogsadaan furitaanka ururrada siyaasadda, isaga oo ku eedeeyey xisbiyada iyo komishanka inay faraha la galeen waxyaabo shaqadooda ahayn.
Md. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo waraysi gaar ah siiyey Jamhuuriya shalay, waxa uu xusay in dadweynaha reer Somaliland ka soo horjeedaan in saddexda xisbi ee jira oo qudha waligeed hortaagnaadaan, kuwaas o uu ku tilmaamay inay yihiin xisbiyo aanay gudahooda ka jirin wax dimuqraadiyad ahi.
Waraysiga Md. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo faahfaahsan waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Mudane; sideed u aragtaa muddo-kordhintii ay dhawaan Golaha Guurtidu u sameeyeen Barlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka?
Xildhibaan Maxamed maxamuud Cumar Xaashi: Waxa jira waxyaabo badan oo qabyo ah, waxyaalahaas qabyada ahna waa xeerarkii lagu dooranayey golayaasha oo xeerkii guurtida lagu dooranayey wali diyaar maaha, kii wakiilladuna wuxuu ku xidhan yahay in la helo diwaangelin codbixiyayaasha.
Ilaa hadda layskuma raacsana tii aynu galnay inay tahay diwaangelin rasmi ah oo iyada lagu soconayo iyo in dib loo galayo diiwaangelin kale wali lama sheegin, komishankuna kamuu hadlin, hawlo kale uunbaa laga hadlayaa, waxaad moodaa in aan laga hadlayn meesha ay sartu u qudhunsan tahay, Ta golaha deegaanku iyadu su’aalba ma leh oo 2007-dii ayey ka dhammaaday oo lix biloodbaa loo kordhiyey, inta dambena way iska fadhiyaan, dad iska fadhiya miyaa la soo horreysiiyaa.? Maxaa loo soo horreysiin iyagu sharci-darray ayey ku fadhiyaane. Wwaa in degdeg loo galaa iyaga marka ugu horreysa ee maaliyaddeeda la helo, taasi iyadu wax hawl ah maaha. Qoladan (komishanka) tidhi iyadu waxaannu isa saaraynaa (mar wada qabanayna doorashada) Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada iyagu xaq uma laha, axsaabtuna xaq uma laha, Komishankuna xaq uma laha, nina kama hadli karo. Qoladan axsaabta iyaga midbaa u hirgelay oo waxa weeye waxay yidhaahdeen kii madaxweynaha ayeynu soo horreysiinay oo kuwii kale ayeynu dib u dhignay, sharciyadaana iyagu ma laha, xad-gudubayna ahayd.
Jamhuuriya: Komishanka Doorashooyinka iyo axsaabtu kulan bay iskugu yimaadeen oo waxay isla meel dhigeen xiliga ay doorashadu qabsoomayso, arrintaana sideebaad u aragtaa xildhibaan?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Horta waxa ina haysta Interpeace oo komishanku inama xumumaan, waxaana socda kolba qoladaasi wixii ay soo qoraan.
Interpeace inoo talin mayso, dimuqraadiyaddeenana dooni mayso ee waxay doonayaan sidii ay lacag samayn lahaayeen, waana in la ogaadaa in lacag laynagu raadinaayo oo lacag degdega la doonayo. Sharci baa jira oo tan madaxtooyada ee la soo hormariyey ayuu dadku badankoodu diidanaa, waxay ahayd in meelahan iswada dul saraan ee isla wada qudhmay ayey ahayd in la haagaajiyo oo deegaanka la horreysiiyo, intii taa la waday ayey yidhaahdeen Baarlamaanka ayeynu dulsaaraynaa, la dulsaari maayo ee ururradiibaa la furayaa oo dimuqraadiyad wanaagsan baynu doonaynaa, lama doonayo cid aan dimuqraadi ahayn.
Saddexda xisbi ee meesha jooga mid dimuqraadiya ma jiro, cdida sheegaysaana iyada ayaa sheegi, mid walbana ninbaa iska haysta, mid nin lagu wareejiyo oo la yidhaa adaan kuu dhiibay, mid isagu is doorta, mid aan xisbiba ahayn oo aan gole dhexe lahayn, waxaad mooddaa in meesha la tallo-butaynaayo.
Markaan tii Guurtida ku noqdo, Guurtida midbaa xaq loogu lahaa oo waxay ahayd inay tashiga badiso oo ay la tashato golayaasha kale ee dawladda, waxay ahayd oo kale inay u yeedhato ururrada bulshada, dadweynaha, gaar ahaan dumarka, aqoonyahanadda iyo dhallinyarada, maxaa yeelay wax la qarsado oo galin gudihii lagu saxeexo ummaddan ma anfaco.
Jamhuuriya: Saddexda xisbi qaran iyo Komishanku waxay si cad u diideen in la furto ururo markaa idinku UDHIS ahaan sidee baad u aragtaan arrintaa?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Ma diidi karaan, maxaa yeelay waxay diidi karaan hadday sharci u leeyihiin. Beryahan waxaan ku arkayey warbaahinta ‘Garsugow ma noqon kartid garsoon’ iyagu uma garsoori karaan ummadda, mana matali karaan, Komishankana waanigan ku idhi meel kale ayaa lagaga shaqaystaa, mana joojin karaan mana diidi karaan.
KULMIYE oo maanta haya dawladnimada wuu ku ballanqaaday, ummadduna in badan ayey u soo taagnayd oo saddex xisbi oo aan isbedel dimuqraadiyadeed lahayn la yeeli maayo.
Komishanka shaqadoodu waxay ahayd inay ku noqdaan sharciga oo ay eegaan keebaa fuliyey dimuqraadiyadii halkan ku taalay, midkoodna muu fulin. Markaa haddaad kolba soo saarto xisbiyo aan dimuqraadiyad ahayn mushkilad weeyaan, magacan weyn uunbaa lagu gabanayaa oo waxa la leeyahay xisbi qaran, meel ay ku taalana ma jirto.
Jamhuuriya: Madaxweynuhu wuxu dhawaan sheegay inuu oggolyahay furashada ururrada, laakiin wuxuu tilmaamay inuu wadatashi qaran layskaga iman doono, kaasi oo aanu cayimin wakhtiga uu yahay, arrintaasna mayskaga timaadeen idinku, hawl intee le’eg baad ka qaadateen sidii ururrada loo furi lahaa?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: In badan baanu furnayn oo aannu wax kale sheegayn, shicibkana wax badan baanu dhex galnay. Waxa la ogyahay, saxaafadduna qortay in dadku saddexda xisbi ka soo taagnaayeen, lamana doonaayo nin siddeed sanno meesha uun taagnaada oo yidhaahda aniga ayaa musharax ah, taasina dimuqraadiyad maaha.
Dimuqraadiyaddu siday tahay ha loo abbaaro amma ha layska daayo oo ha la yidhaahdo ma doonayno dimuqraadiyad oo waanu iska wad wadanaynaa oo labada mid uun ha ku dhacdo, nin iska soo taagan oo yidhaahda aniga uunba wax ah lama doonaayo.
Markaa anagu waanu la hadlaynaa, xukuumaddana waanu u tagaynaa, madaxweynuhuna wuu ku mahadsan yahay inuu yidhaa ballankaygii waan fulinayaa, waxana weeye inuu sida ugu degdegga badan u fuliyo, Somalilandna jiri mayso haddaan dimuqraadiyadi jirin oo laysku khasbo saddex xisbi oo jira.
Jamhuuriya: Siyaasiyiinta qaarkood waxay ku doodaan in aan loo baahnayn ururro xaddi badan leh, markaa adigu xaddi intee le’eg baa loo baahan yahay ayaad isleedahay?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi:- Dastuurbaa inoo yaala waxa uu dhigayaa inay saddexda xisbi soo hadhayaaan mar walba, saddexdaa xisbi waa la kordhin karaa oo afarbaa laga dhigi karaa, shan baa laga dhigi karaa, xataa laba laga dhigi karaa, waa marka dastuuriyan ay noqoto, laakiin waxa weeye in loo soo tartamo.
Meel la taagnado, gole dhexe oo aan jirin, nin isagu xisbi uun haysta oo aan cid oggolayn, taasi ma jirayso, loomana baahna. Haddii dimuqraadiyad la sheegayo kuwa xag jiraaba waxay geli karaan kuwan, iminkana waabay ku jiraan baa laga yaabaa hadday jiraan, xisbiguna sida la moodayo maah ee waa wax adag, anaba waanu soo marnay.
Sharcigan la khafiifinayo ee la odhanayo la jiifiyaana bannaan ma soconayso, waa waxaynu la qabsanay, waa waxayno isla jiidhayno, waa waxanaynu maalin walba u taag la’nahay oo la odhanayo waxbaa la kordhinaa, haddii aynu ku adkeysano diidista sharcigaas waxba inoo socon maayaan, wada tashiguna wuu wanaagsan yahay, laakiinse haddii laga dhigo mid sharci diida ma soconayso, waxaan u qabaa kordhiya uun ma soconayso, waa in sabab loo sameeyaa oo sababtu waxa weeye wax inoo diyaar ah ma jiro oo axsaabtu doorasho ha la galo ayey leeyihiin yaa sameeyey shuruucdan, maxaa laysku ogyahay ee lagu galayaa?
Lacag yar oo Interpeace hayso ayaa lagu ordayaa miyaa?
Haddii dimuqraadiyad la doonayo ha laga soo bilaabo gudaha hoose, dimuqraadiyad aanu dhadhabayno oo aan jirin in kolba lacag lagu doono dooni mayno.
Jamhuuriya: Muddadan ay kordhiyeen Guurtidu ee saddexda ilaa afarta sanno ah waxay isku dhawaanayaan doorashadii madaxweynaha soo socota markaa siday u suurto galayaan in doorashooyinkaa la kala qabto?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Horta lama sheegin sida nimankan loo dooranayo waxa la sheegayaa oo keliya in si dadban loo dooranayo.
Waxaan qabaa anigu tan ay yidhaahdeen sannad ayaanu ka dambaynaynaa waa sharci-darro, sannadku waxay ahayd markii qabaa’ilku dooranayey Barlamaanka iyo Guurtida ayaa la doonayey in aanay iman wax muran ah, mana jirto meel ay dastuurka kaga taal inay sannad ka dambeeyaan, haddii doorasho timaado iyagu (Guurtida) shaqo kuma laha, waxay ka tallinaayeen tii qabaa’ilku soo dooranaayey, laakiin tan maaha, waxan ay iyagu leeyihiin sannad baanu ka danbaynanaa waa sharci ay iyagu samaysteen, waxay ummadda u hayaana ma jirto. Haddii wax la dooranayo kan baa (Golaha Wakiillada) sharci-dejintii ah ee ha la doorto. Meesha ay wax ka xun yihiina waa dastuurkan isku mulaaqan oo loo baahan yahay in dib u hagaajin lagu sameeyo oo la ballaadhiyo si loo adkeeyo sharciyada.
Jamhuuriya: Xildhibaan; sidaad sheegtay waxa jira qabyo badan oo dastuurka ah, marka loo eego golihiinan sharci-dejinta miyaan la odhan Karin waxaad ka gaabiseen hawshiinii oo galay arrimo kale oo siyaasadeed?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Ninka gudaha wax ka og uun baa wax sheegi kara, dadaal naguma yara, laakiin mushkiladdu waxa weeye golihii oo isagu laba dhan kala noqday iyo dawladdii oo aan doonahay inuu goluhu shaqeeyo.
Waxaan isleeyahay haddaad nagu daysaan dhawr bilood oo xukuumadda jirtaana la shaqayso Golaha Wakiillada in wax badani isbeddeli doonaan, waayo xukuumaddii hore waxay ku talogashay inaanu goluhuba shaqayn, waad ogaydeen oo waa tii la xidhay oo qufulka loo qaatay. Wwaxa jiray iyada oo aan waxaannu nidhaahdaba waxba laga soo qaadin, sharciga aannu soo gudbinana iyadoo aan si dastuuriya loo soo celin ayaa layska soo celin jiray, golahayaguna waxa uu wax u qaban kari waayey waxay ahayd isaga ayaa burbursanaa oo isku dhex jiray.
Jamhuuriya: Waxa jirta in ciidamo hubaysani ka soo degeen xeebta Saylac, maxaad kala socotaa, adigase maxay kuula muuqataa arrintaasi?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Arrin aad u adag oo naxdin lehbaa dhacday, in lagu yidhaahdo dalkaagii baa la soo galay oo qoladii way ina dhaaftay, horta dawladnimo aadbay ugu nusqaan tahay, waxa weeyaan inaynu dib isu abaabulno, hagaajisano ciidammadeena xeebta ilaaliya amma ciidanka qaranka ha ahaadaan iyo in loo diyaargaroobo in kharash badan la galiyo oo tobabar la siiyo si ay inteena yaru noqoto mid tayo leh.
Jamhuuriya: Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay inay dad reer Somaliland ah gacan ka siiyeen sidii ay u soo mari lahaayeen xeebta ciidammadaas hubaysan, dadkaas maxaad adigu ku macnayn lahayd?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Runtii waxa weeye inuu isagu arrinta hoos u baadho oo soo caddeeyo oo markuu soo caddeeyo dadkaas uu maxkamad keeno, laakiin mala-awaalku ma wanaagsana, laakiin waxay ku waanaagsan tahay inuu arrintiisa cadaysto, arrintaa uu yidhi dadbaa ku jiray waa male.
Jamhuuriya: Tan iyo intii la soo doortay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxa jiray siyaasiyiin badan oo dhaliilo u jeedinaya oo qaarkood ay la xidhiidhinayaan masuuliyiin xukuumadda ka mid ah inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab, maxaad ka aaminsan tahay fikiraddaas?
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi: Horta wakti wax la dhaliilaba maynu gaadhi oo laba biloodbay jirtay xukuumaddu, waxaan qabaa madaxweynuhu inuu dadaalay, tiradii xukuumaddana inuu yareeyo isku dayey, xukuumaddan uu soo dhisayna waxaynu kula xisaabtamaynaa waxqabadkooda. Kolleyba shakhsi jacayl ma jiro, waxase jira waxqabad, waxqabadkana wakhtigeediina maynu gaadhin, waxaan qabaa anigu in wakhti la siiyo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa oo aynu kula shaqayno, dhiirrigalinana, laakiin haddaynu nidhaahno waa wixi iyo wax ka liita waxba maynu soo kordhin, waxaynuna u baaahannahay inaynu hore u socono.
 Xigasho: Jamhuuriya


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay