War-Saxaafadeed: Madaxweynaha JSL Oo Qaddo Sharaf ugu sameeyey Golaha Guurtida … + SAWIRO

Medeshi|Oodweynenews.com |


Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici ) ayaa Shalay Duhurkii Qaddo Sharaf ugu sameeyey Golaha Guurtida Hotel Mansour.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee ay wadayeeshaan Madaxweynaha iyo Golahani Mudadii Gaabnayd ee uu xilka Madaxtinimada Dalka uu hayay waxa uu madaxweynuhu Golaha Xog-waranka siiyey Xaalada Dalka ee Dhaqaale, Nabad-gelyo iyo Siyaasadeedba,
Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu Golaha ku amaanay xilka ay Qaranka ay u hayaan.
Madaxweynuhu wax auu Faaf-faahin Mug leh ka bixiyey geedi socodka Dimuquraadiyada iyo dib udhicii mudada dheer jiitamaayey eek u yimid Doorashooyinka Golayaasha iyo tii Madaxtooyada ee Dhawaan Dalka ka qabsoontay waxaanu sheegay in ay Natiijadii doorashada Madaxtooyada iyo sidii wanaagsanayd ee ay ku dhamaatay soo jiidatay Beesha caalamka Dalkeenuna uu Sumcadweyn ka helay.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Go’aankii Muddo kordhinta ee uu dhawaan  Golaha Guurtidu Mudada ugu kordhiyey Golaha wakiiladu, dhinacyada uu khuseeyo ee kale iyo Beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta Doorashooyinka ugu muuqday mid ka badan Muddo doorashada lagu qaban karo sidaa awgeedna loo baan yahay in la rog-rogo oo sidii Somalilandba Dhaqanka u ahayd laysla soo dhaweeyo iyada oo aanu dhinac-na ku dhegaynin awoodaha uu leeyahay.
Madaxweynuhu  isaga oo ixtiraamaya oo Qadarinaaya karaamada iyo Sharafta uu Goluhu leeyahay sida uu sheegay waxa uu Golaha ka Codsaday  in ay kawada Hadlaan sidii ay Xeego-xeego u noqon lahayd, Ilkana u nabad Gelilahaayeen ee ay Doorashadu u qabsoomi lahayd xili kan ka horeeya  oo ugu badnaan ku siman Laba sannadood.
Dhawr mudane oo u hadlay Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Casuumada kasoo qayb galay oo dhamaa in ka badan Konton Xildhibaan ayaa iska daba maray mahad naq ay madaweynaha uga mahad celinayaan Casuumadan iyo xog-waranka Buuxa ee uu ka siiyey xaalada dalka.
Mudanayaashu waxay ku dheeraadeen in Goluhu niyadsami  ku qiimeeyey Xaalada Dalka iyo Duruufaha ku xeeran Doorashada.
Mudanayaashu waxay ku nuux-nuuxsadeen qabyada ka jirta Sharciyada ay u baahan tahay Doorashadu, Dhaqaalo xumida ay la kulantay xukuumadan cusubi iyo daynta xad dhaafka ah ee ay xukuumadii hore ka tagtay iyo weliba Duruufaha nabad-gelyo ee dalka ku xeeran.
Sidaa awgeedna ayey Mudanayaashu yidhaahdeen waxa aanu ku qanacsanahay in ay mudadani ku yartahay u diyaar garawga doorashada balse iyaga oo gole ahaan qadarinaya, ixtiraam weyna u haya codsiga madaxweynaha, isla markaana og in aanay marka horeba dangaara ka lahayn mudadan ay go’aamiyeen ee ay ka ahayd uun mid ay qaranka dan u modeen waxa ay mudanayaashu si buuxda igugu raaceen in ay madaxweynaha u balan qaadayaan in aanu go’aankoodani noqon doonin mid caqabad ku ah doorashada haddii ay qabyadu dhamaato xili mudadaa ka horeeya sidaa awgeedna ay Gole ahaan ay madaxweynaha u balan qaadayaan in marka ugu horaysa ee la qabyo tiro hawsha  qabashada Doorashada ay Gole ahaan diyaar u yihiin in ay madaxweynaha ku tageeraan.
ALLAA                            MAHAD                                LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse ) 
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay