Isniin, November 02, 2009(HOL): Waxaa caawa fiidkii qarax miino lagu weeraray saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Biyo Kulule ee Magaalada Boosaaso, iyadoo qaraxaasna uu geystay khasaare dhaawac ah.
Qaraxaas oo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhawaacmay Taliyihii Saldhiggaas xukumayay iyo askar saldhigga ku sugneyd.
Lama garanayo ilaa iyo haatan ciddii qaraxaas ka dambeysay, wuxuuse ku soo beegmay iyadoo xalay sidoo kale weerar noocaan oo kale ah lagu qaaday Ciidamo ku sugnaa gudaha Boosaaso, kuwaasi oo howlo amni sugid ah ku jiray.
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa waxay haatan baaritaan ku hayaan ciddii qaraxaas ka dambeysay, iyadoo aanu ilaa iyo haatan ka hadlin maamulka Puntland qaraxan iyo midkii ka horreeyay ee xalay dhacay.
Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta u ah Gobolka Bari ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ku hanjabtay in ay la wareegi doonto gacan ku heynta deegaannada Puntland, Somaliland iyo dalal kale oo Gobolka Geeska Afrika ku yaalla.
Wixii ku soo kordha Warka Qaraxan kala soco halkan haddii Alle idmo
Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada
Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay

-
Medeshi April 23, 2009 Donors pledge over $250 million for Somalia By SLOBODAN LEKIC Associated Press Writer International donors pledged mo...
-
Medeshi Captive Indian sailors in Somalia send SOS Varanasi, Feb 13 (IANS) Fourteen Indian sailors, held captive on a cargo vessel off the S...
-
Medeshi Amnesty International Urgent Action - woman sentenced to death in Puntland, Somalia PUBLIC AI Index: AFR 52/003/2009 12 May 2009 UA ...