12 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay Texas
Sarkaal ka tirsan militariga Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inuu toogasho ku dilay 12 askari oo Mareykan ah
Sarkaal militari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa la rumaysan yahay inuu rasaas ooda uga qaaday askar kale oo Mareykan ah oo ku sugnayd Saldhig militari oo ku yaalla Fort Hood, Texas
Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Nidal Malik Xasan ayaa la sheegay inuu ahaa sidoo kale doctor militari. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 31 askari.
Col. Nidal Malik oo ku dhashay waxna ku bartay dalka Mareykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Jordan. Sarkaalkan ayaa la sheegay in rasaastaasi uu isticlaamay laba qori oo nooca daran-dooriga u dhaca
Abaanduullaha ciidamada ee saldhiga Fort Hood, General Robert Cone, ayaa sheegay in Nidal Xasan uu rasaasta ku furay goob ay ku sugnaayeen ciidamo isku diyaarinayay in loo qaado wadamada Ciraaq iyo Afghanistan.
Ilaa haatan ma cadda sababaha sarkaalkaasi ku kalifay inuu dilkan geysto, hay'addaha ammaanka ayaa haatan wada baaritaano la xiriira dhacdadaasi.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso wareysi VOA la yeelatay Imaam Maxamed Cabqari oo ku sugan gobolka Texas kana waramaya dhacdadaasi.
Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada
Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay
-
Medeshi Oct, 2008 Is Toxic Waste Behind Somali Piracy ? European firms are being accused of dumping toxic waste off the Somali coast. This i...
-
In Ethiopian desert, horrors of a hidden war By Jeffrey Gettleman (Medeshi) 4 Aug, 2008 IN THE OGADEN DESERT, Ethiopia: The rebels march 30...
-
Medeshi Oct 14 ,2008 Saudi Arabia Executions Quadruple; Foreigners Most Often Killed By Caroline Alexander Executions quadrupled last yea...