Somaliland - Warqadii "Sir culus" ee Gen Moorgan 23 Jan 1987

Warqadii "Sir culus" ee Gen Moorgan 23 Jan 1987





(1) WARQADII "SIR CULUS" EE GEN MOORGAN
(2) THE "LETTER OF DEATH" BY GENERAL MORGAN

"WARQADU HALKAN HOOSE AYEY KA BILAABMAYSAA"

Jumhuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya Wasaaradda Gaashaandhiga Xarunta Taliyaha Qaybta 26aad

TQB26/XKT/28-5/6/87 Taariikh: 23/01/87 S I R  C U L U S

WARBIXIN:

Ku: Madaxweynaha J.D. Soomaaliya Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JDS. Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JDS.

Tixraac warbixintii aan soo gudbiney ee ku taariikheysneyd 17.01.87 ee ku saabsaneyd xaaladda Difaaca iyo Nabadgelyada ea Aagga Masuuliyadda Qaybta 26'aad.

Xaaladda Gobollada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer Nabadgelyadoodu waa soo xumaatay, xabashidiina waxay ku tallaabsatay in Ciidamo ku soo kordhiso Aagga, iyada oo ujeedadu tahay in dagaal soo qaadaan qabsadaana dhul muhiim ah, sidii BALAN-BALLE iyo GALDOGOB, sidii horay aad uga dhadhamisay warbixintii hore Dagaalladii ay soo wada qaadeen waa ay ku guulaysan waayeen, waxaan ka dambaysay in aad sameynay falal Aargoosi ah oo saldhigyada Qurmista iyo xabashidu wada degan yihiin ah, looguna geeystay khasaare wadajir ah iyo baabi' in Tuulooyin , waxaana ka mid ah

Saldhigyada Qurmista oo kala ah: DIBIILE, RABSASO, RAMAALE,- iyo GARANUUGLE, falalkaaso oo dhamaantood fuIay habeenimo , Ciidunkuna Nabadqab ku soo laabtay, marka laga reebo dhaawacyo fudud. Dagaalladii ay Qurmistu soo qaadeen iyo khasaarihii loo geystay ayay hadda waxay bilaabeen "YAA REER ISAAQ AHEY”, iyaga oo doonaya inay Baandooga u tusaan Ciriirin iyo baabiin dadkooda, sidoo kale waxay dacaayad ku soo afuufeen dadweynaha ayagoo ka dhaadhicinaya dhawaan ayaan qabsanaynaa W/Galbeed iyo Togdheer, arrintaas waxaa sabab u ah oo Iaga garan karaa hadallada lagu qoray darbiyada iyo Waraaqo lagu daadiyay Degmada Gabileey, Degmada Lughaya, Beesha Allaybaday, arrimahaasoo dhammi waxay astaan u yihiin laab la soo kac, xiisad salka ku haysa, Qabyaalad iyo Qurmisnimo. Waxay Reer-Reer isugu baaqeen in la soo ururiyo 2000/qof oo Qurmista ka qaybgasha laguna Tababaro AWAARE, ilaa hadda waxaa ku biiray 400/qof, sidoo kale Jabhadii FARAWEYNE oo ah SACAD-MUUSE, ka dib markii la qabtay Qarandumisyadii, waxay isu dhiibeen Xabashida iyo Qurmista, tirada isu dhiibtay waxay noqdeen 60/qof iyo Xiddiglahii Taliyaha ka ahaa, intii kalena waxay baqdin u galeen duurka; waxayna soo bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan Tuuladii. Jaalle Madaxweyne, Jaallayaal,

waxaa noo muuqata haddii aan maanta xamlad lagu qaadin Jiritaanka Qurmis iyo Taageerayaashooda in ay waqti kale madaxa la soo kacayaan, maanta waxaan u haynaa daawadii ku habooneyd JERMIGA Qaranka Soomaliyeed ku jira , waxayna tahay: lyada oo laysu dheelitiro dadka maalqabeenka ah oo aan hadda, lsudheelitireyn. Guddiga Deegaanka oo noqday dad soocan oo laysu dheelitiro. Ardeyda Dugsiyada oo loo oggolaado in lagu barxo Ardeyda Qaxootiga ee degan Agagaarka Hargeysa. In lama degaan laga dhigo jiidda u dhaxeysa Ciidanka iyo Cadowga, taasoo ku imaanaysa baabin Baraagaha iyo Tuulooyinka ku teedsan jiidaas oo ay ku soo dhuuntaan. In laga xaaqo dadka C.Q. sida iyo Shaqaalaha ku jire ee yeelan kara tuhumo u adeegid Cadow, (arrintaas oo aan ku jirro Baaritaan iyo helid xog dhab ah, siiba kuwa haya meelaha xasaasiga ah.) Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Tilaabooyinkii qorsheysnaa wixii ka hirgalay, si aad ula socotaan: Gaadiidkii Dadweynaha ee nooca Basaska ah oo Tiradii hore uga socon jirtay oo dhameyd 337 Bus, kuwaas oo 2/3 lahaayeen dadka u dhashay reer qura (Sacad-Muuse) oo dibuhabayn lagu sameeyay, markil ay baaritaan ka dib cadaatay in ineyn badankoodu waafaqsaneyn hanaanka nabadgalyada, maadaama aaney sugneyn Dokumantiga mulkiyadda iyo kuwa loogu talagalay dhaqdhaqaaqa, isla markaana xogogaal loo noqday in marar qaarkood loo isticmaalo ku qaadista Muqaadaraadka ama ay rakaab ahaan u raacaan dad tuhmo leh, haseyeeshee la qariyo loona soo tebin Hay'adaha Nabadgelyada, iyadoo tirada Basaskaasi ay Si xad-dhaaf ah uga badneyd baahida magaalada waxaa la go’aamiyay laguna dhaqaaqay: In tirada Basaskaa ayna ka badnaan 80. In bas waliba loo sameeyo lambar sumad u ah (NUMERO SERIE) oo lagu aqoonsado. 1. Basaska si tiro miisaan ah loogu qaybiyo waaxaha magaalada, iyadoo mid waliba loo xaddadayo tubta socodka iyo barxadaha bilowga iyo dhamaadka socodka. Si cadaalad ah leysugu dheeli tiro mulkiyaasha Basaska, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah Kacaanka, lagana qaadayo fursadda inta siyaasiyan ka soo horjeedda.
2. Waxaa Dekedda Berbera lagala soo wareegay 6 Baabuur nooca 4-WD (RIDOOTO LEH)

sidaas oo kale waxaa socota ururinta kuwa Magaalada, kuwaas oo dhawaan wixi wax ku ool noqda la saari doono hub, kuwa kalana loo isticmaali doono Gaadiidka Sahamada iyo Taliyayaasha Colalka jiidaha hore, waxaa inoo socda kala soocsoocidda Gaadiidka. 3. Waxaa tuhun taageero Qurmis lagu xiray 45/qof ee dadka Hargeysa deggan iyo 30 dadka Burco degan iyo 7 sarkaal, dadkaaa oo u badan ganacsato lyo maalqabeen iyo qaar ka mid ah nabadoonada waxay ku xiran yihiin Xabsiga Mandheera, waxaase la codsanayaa in deg-deg loogu wareejiyo xabsiyada Laanta Buur ama Xabsiyada Bari IWM, si loo xaqiijiyo xarigooda muddadan lagu Jiro dib u habeynta Xabsiyada oo dhaliilo badan ka jira amnigooda. 4. Waxaa dib loo abaabulay Jabhadda G.S. Galbeed, waxaana lagu xareeyey meel u dhow GEED-DEEBLE 300/qof, kuwaas oo dibuhabeyn ka dib lagu talo Jiro in la dejiyo dextaalada Guutooyinka iyo Ururada oo loo arko iney wax ka qaban karaan

la dagaalanka Qurmista, isla markaana ay ka fulin karayaan falal dagaal ah marka loo baahdo.
5. Marba haddii ay sugnaatay in ISAAQU ay si ficil iyo niyadba ay ula jiraan SNM'ta, ayna noo muuqan iney ka tanaasulaan khadkoodii in muddo ahba ku male'awaali jireen si looga hortago waxaa kullamo isdabajoog ah iyo abaabul kicin iyo wacyigelin ku sameynay dadka kale ee kula nool Waqooyi, si loo adkeeyo midnimadooda uguna maro-xeetaan difaaca midnimada Soomaaliyeed, dadkaas waxa ka mid ah Reer Awdul, Soomali Galbeed Wajiyaddooda kala duwan, Reer Laas Qoray R e e r Daami IWM. Waxaa hubaal ah in isku duubnida dadkaasi ay dheeli tiridoonto miisaanka hadda u liicay dadka isaaqa ah, haddii ay si firfircooni lehna u howlgalaan waxaa hubaal ah in ay kibir jebin doonto dadka u haysta in ay Waqooyi leeyihiin, iyadoo xaqiiqdu ay si ka duwan tahay.
-3- khaladaadkii horay u dhacay oo la xariira kobcinta dhaqaale ee dadkii ka soo horjeeday Qaranka, fursadna loo siiyo kuwa ehelka u ah.

Waxaan soo jeedineynaa in Ciidamada aan dhaliilsanahay ay soo diraan waftiyo ka socda . oo si deg deg ah wax uga qabta, sababto oo ah tallaabooyin aan qaadnay iyo kuwa aan qaadi doono (REACTION) u baahan in laga hortago mar haddii Hayadihii xogta ururineyey shaki ku Jiro, kuwana lagu hayo danbiyo cad, waxaa haboon in laga tabaabulsheysto inta ay goori goor tahay, ilaa hadda waxaan ku dulsoconnaa Quraarado jajab ah oo dhulka lagu daadiyay, si ay u xannibaan xawliga waxqabadka howsha, kuwaas oo u baahan xaaqid aan waxba kaga tegin dhulka, maahmaah baa oraneysa (WARAABOW SAANJIID IYO SANQARTIRO KALA REEB). Wixii tilmaan iyo tusaale ah ayaan kaa dhowreynaa.

SAREEYE GUUTO TALIYAHA QAYBTA 26'AAD EE WG Maxamad Saciid Xirsi (morgan) X/YARE/.

                       DHAMAAD

Read in English here


SHARE

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay