(bbc)-Sudan ayaa waxay amar ku siisay danjiraha Kenya u fadhiya Khartoum in uu dalka ka baxo. Waxay u qabatay 72 saacadood.
Sudan waxaa kale oo ay amar ku siisay Danjiraheedii u fadhiyay Nairobi in uu dhakhsa ugu soo laabto Sudan.
Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa shalay amartay in la soo xiro Madaxweynaha Sudan, Omar al Bashir, haddii uu Kenya tago, maaddaama ay sidaa dooneeyso Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada ICC.
Madaxweynaha Sudan in la qabto waxaa dooneysa Maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada, ICC, oo ku eedeyneysa in uu gobolka Darfur ka geystay xasuuq iyo dembiyo dagaal oo kale.
Kenya waxay hore u saxiixday heshiiska lagu dhisay Maxkamadda dembiyada dagaalka.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in ay weydiisaneyso in dacwaddaas mAxkamadda dib loo qaado.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa la sheegay in uu ku tilmaamay in go'aanka maxkamaddu aanuu la jaan qaadi karin xiriirka ay Kenya la leedahay Sudan.
Labada dal ee Sudan iyo Kenya waxay ka wada tirsan yihiin urur goboleedka IGAD iyo ururka Midowga Afrika.
Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada
Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay

-
Medeshi Oct 29, 2008 Somali pirates living the high life By Robyn Hunter BBC News "No information today. No comment," a Somali pir...
-
Medeshi Amnesty International Urgent Action - woman sentenced to death in Puntland, Somalia PUBLIC AI Index: AFR 52/003/2009 12 May 2009 UA ...
-
Medeshi Amnesty International - EU Office Dear Mr Solana, Open letter to participants in the Somali Donors' Conference In advance of the...