Somalia : Al Shabaab ma shakiday?

Inyar ka dib markii ay amar ku bixiyeen in la xiro xafiisyada 16 hey'adood oo Samafal ah, ayaa al Shabaab waxay rag hubeysan u dirtay in ay soo xiraan xafiisyada hey'adahaas.

Markay xafiisyadii xireen, waxay amar ku siiyeen shaqaalaihii gargaarka ee hey'adahaas in ay guryahooda iska aadaan.
Hey'adaha al Shabaab ay ka joojisay in ay ka shaqeeyaan degaanka ay maamusho waxaa ka mid ah, hey'ado Qaramada Midoobay ka tirsan sida WHO, UNHCR iyo UNICEF iyo qaar kale oo caalami ah iyo weliba kuwa ay Soomaali leedahay, maamushana.
Al Shabaab, waxaa mar aan sidaa u sii fogeyn farahooda ka baxday Muqdisho, oo gacanta u gashay ciidammada Afrikaanka ee AMISOM.
Hadda waxay filayaan laba weerar oo waaweyn.
Kenya ciidankeedu waxay tallaabeen Soomaaliya, waxayna al Shabaab ka weerareen dhinaca koofureed.
Dhinaca woqooyina al Shabaab waxay fileysaa in ciidanka Ethiopia ay mar dhow ka soo weearri doonaan.
Markaa la yaab ma ahan in al Shabaab ay ka shakiso hey'ad kasta oo ajnebi ah ama ajnebi ku xiran.
Laakiin al Shabaab waxay ku tilmaantay in aan arrintu sidaa ahayn, ee hey'adahani ay ayagu wax qaban diideen, ama ay galeen hawlo aan loo dirsan.
Si uu arrintaa u muujiyo, ayaa sarkaal ka tirsan al Shabaab wuxuu maanta BBC u sheegay in aan xannibaaddani saameyn doonin hawlaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Dhakhaatiirta aan soohdinta lahayn.
Waxaa kale oo sarkaalkaasi uu ku tilmaamay in aan shaqo ka joojinta hey'adahani aanay waxba u dhimi doonin dadka tabaalleysan ee abaaru ay waxyeeshay, sababta oo ah, ayuu yiri, awalba waxba dadka uma ay qaban jirin.
Al Shabaab waxay maamushaa gobollo badan oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya ugu dadka badan sida Shabeellada Hoose iyo Baay, kuwaas oo isla markaana ay ku sugan yihiin dad badan abaartu wax yeeshay.

BBC
Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay