Laascaanood (Oodweynenews)- Qarax saaka abaaro 9:30 ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Afdhilo, isla markaana waxaaa ku dhaawacmay tiro kale.
Qaraxan oo ka dhacay Kaantaroolka bariga ee magaalada Laascaanood, ayaa waxa lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.
Warkan oo uu noo xaqiijiyey Maayarka magaalada Laascaanood Axmed Daahir oo markii uu qaraxu dhacay aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi jiro, isla markaana uu ku dhintay ninka Sarkaal ah oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Afdhilo.
Waxaa kaloo uu noo sheegay Maayarku inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas, hasayeeshee noomuu sheegeen tirada dhaawacu inta ay tahay
Sidoo kale Maayarku waxa uu tilmaamay inay hadda socoto hawl-galo baadhintaan ah oo lagu ogaano ciddii qaraxaas ka dambaysay, meeshii laga soo mageelay iyo qaabkii uu dhacayba.
Qaran ayaa ku soo beegmay mar ay todobaadkan shaaca ka qaadeen Kooxda Al-shabaab, oo ku hanjabtay inay weeraro ku qaadayaan wadamo ay mid tahay Somaliland.
Wixii war ah ee ka soo kordha qaraxaas saaka dhacay magaalada Laascaanood, waxaanu idinku soo gudibin doonaa wararka dambe.
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada
Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay
-
Medeshi March 1, 2009 Somaliland: Democracy in Action - II By A. Al Muttairi As part of series of articles about Somaliland democracy develo...
-
Medeshi Feb 25, 2009 Somali-born rapper returns to his roots By Nikki Jecks BBC World Service Somali-born rapper K'Naan may have exchang...
-
28kii May 2018 waxa lagu xidhay magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool 57 qof oo ka qayb qaatay mudaharaad.