Somaliland: Guddigii doorashada oo la dhaariyay

Medeshi
Somaliland: Guddigii doorashada oo la dhaariyay
Xubnaha guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta lagu hor dhaariyey Madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyayasha mucaaradka
Waxa qoray Sahra Ciidle Nuur
Hargeysa Arboco, 28 October 2009
Xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu dhaariyay 7-da xubnood ee dhawaan loo magacaabay inay noqdaan guddiga doorashada Somaliland.
Dhaartaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo Ucid Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Rayaale iyo labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradku waxay xubnahaasi kula dar-daarmeen inay fuliyaan howlaha baaxada leh ee horyaala, isla markaana si cadaalad ah oo wadajir ah iskula shaqeeyaan.
Xubnahan guddiga cusub ee guddiga doorashada Somaliland oo ay liiskooda soo gudbiyeen sadexda xisbi ee Somaliland, Madaxweye Daahir Rayaalena uu aqabalay ayaa waxaa dhawaan ansixiyay Golaha wakiilada Somaliland.
Ansixinta iyo dhaarinta guddigan cusub ayaa timid kadib markii deeq bixiyayaashu ay Somaliland ka codsadeen in la badallo xubnihii hore ee guddiga doorashooyinka.
Guddigan cusub ayaa haatan looga fadhiyaa inay gudagalaan diyaarinta iyo isku dubarida doorashooyin ka dhaca Somaliland oo muddaba dhowr jeer oo hore baaqday.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay