Shiikh Maxamed-Rashaad ayaa maanta lagu aasay Maka



Medeshi
Allaha u naxariistee, Shiikh Maxamed-Rashaad, oo ah Shiikh Soomaaliyeed oo caan ah ayaa maanta lagu aasay Maka, kadib markii uu shalay ku geeriyooday Mina, oo ka mid ah goobaha arkaanta xajka lagu guto, isaga oo gudanayay waajibaadka xajka.
Dr. Maxamed-Rashaad Macallin Isaxaaq, waxaa uu ahaa Shiikh weyn oo caalim ah, oo dadka ku wacdiya cajaladaha, internetkaba iyo Masaajidda Yurub iyo Canada.
Wuxuuna ahaa Imaamka Masjidka ugu weyn magaalada Ottawa, oo ah caasimadda Canada.
Wuxuuna Jaamacad ku taalla Canada, ka dhigi jiray maaddo la xiriirta Shareecada iyo caafimaadka.

70+ ku dhimatay Sucuudiga



Medeshi
Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay in ay 70 ruux in ka badani ay ku dhinteen daadad ka dhacay dalkaas.
Dhimashada inteeda badan waxay ka dhacday magaalada Jedda oo ku taalla xeebta Badda Cas ee dalka Sucuudiga.
Roobabkii ugu darnaa sannado ayaa waxay burburiyeen waddooyinka dhulka hoos mara, dhismayaal iyo buundooyin ama kaabado.
900 oo ruux oo go'doomay ayaa la soo daad gureeyay.
Wasiirka Sucuudiga ee Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in aan dadka xajinaya qofna uga dhiman daadadkan

Ciid wanaagsan

Medeshi

Eid mubarek.
ciidwanaagsan iyo barwaaqo iyo bashbash sanadkastaba inagu soo noqda ayaanu ilaahay ka baryaynaa . Hambalyadan waxaanu khaasatan ugu diraynaa dadka reer Somaliland oo aanu uga baryaynaa in ilaahay waafajiyo hogaan wanaagsan, kala dambayn iyo is tixgelin doorashooyinka soo socada iyo wixii ka dambayaba.
Ilaahay sanado badan oo kheyr qaba ha inagu soo celiyo.
Amiin.
Mo
http://www.medeshi.com/

Musuq-maasuq ka dhexjira ciidanka dowlada KMG

Waxaa la soo tabinayaan in musuq-maasuq ka dhexjiro ciidamada amniga ee dowlada iyadoo mushaharkiina laga goostay.

Axsaabta Somaliland oo Ka Dooday Waqtiga Doorashada

VOAda ayaa Dood u qabatay axsaaabta Somaliland taasi oo ay uga hadleen waqtiga ugu haboon ee doorasho la qaban karo

Somalia : Madaxweyne Shariif iyo Faroole oo ismari waayay

kulan safaarada Soomaaliya ee Nairobi ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Sh. Sharif iyo madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa lagu kala tagay

Tacsi

Tacsi
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
Aniga oo ku hadlaaya afka reer Moxamed Sh. Axmed Cali Adan waxaan tacsi halkan uga dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Mujaahid Shugri Axmed Xaji Ibraahim oo shalay lagu aasay Magaalada London.
Waxaanu ilaahay uga baryaynaa in uu Mujaahidka janadii ilaahay ka waraabiyo eheladisiina samir iyo imaan ka siiyo. Amin
Mohamed Sh. Ahmed Ali Aden

Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday xoolaha Somalia

Xukuumadda boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay xayiraadii ay ka qaaday xoolahii Soomaalida ee Sacuudiga loo dhoofin jiray.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay