Maamul loo Samaynayo Bartamaha Somalia

Medeshi

Dalka Britian ayaa looga dhawaaqay maamul loo samaynayo bartamaha Somalia.
Magaalada Leicester ee ku taalla badhtamaha wadanka Britain waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir socday muddo sadex maalmood ah oo ay halkaasi ku lahaayeen qurba-joog ka kala yimi dalal kala duwan oo kana soo jeedda mid ka mid ah beelaha dega badhtamaha iyo koonfurta Somalia.
Waxaanay  halkaasi kaga dhawaaqeen in ay samaynayaan maamul la magac baxay Somali Central State amaba dawlad goboleedka badhtamaha Somalia,oo loo samynayo qaar ka mid ah deegaamada gobolada dhexe ee Somalia.


Israel oo weerar ku qaaday maraakiib

Medeshi | VOA |A. Hereri|

Baabuurtii Buuhoodle

Medeshi | BBC |

Baabuurtii Buuhoodle
 
Ciidamadii Etoobiya ee ku sugnaa agagaarka magaalada Buuhoodle ayaa la sheegay in ay xalay la guureen baabuur dad shicib ahi lahaa oo ay ku halkaas hore ugu qabteen.
Odayaal degaanka ah ayaa BBC u sheegay in dadku saaka ku soo tooseen iyadoo baabuurtii badankooda ay ciiamada Etoobiya dhinaca dalkooda u kaxaysteen.
Baabuurtaas oo todoba iyo toban ahayd ayaa la sheegay in kow iyo toban ka mid ah lala tegay inta kalena cilad awgeed ay u socon waayeen.
Waxa odaayasha manadaqadu sheegeen in baabuurtaas ay saarnaayeen badeecooyin kala gedisan iyo lacag naqdi ah oo ay leyihiin dadka reer Buuhoodle.
Arrintani waxay jebinaysa heshiis hore u dhex maray ciidamada Etoobiya iyo madaxda dhaqanka ee degaanka, oo ahaa in la isu celiyo hantidii lagu kala qabsaday dagaalkii dhowaan magaalada ka dhacay.
Dadka degaanka ayaa hore ciidamada Etoiobiya ugu celiyey wixii ay hayeen badankooda, sida askar iyo hub.
 
 

Beled Weyne oo lagu Dagaalamay

Medeshi | BBC |

Beled Weyne oo lagu Dagaalamay
 
Magaalada Beled Weyne
Somalia, Beled Weyne
Lix qof ayaa la ogyahay in ay ku dhnteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Beled Weyne saaka, dagaalkaas oo dhex maray ciidamo dawlada ku-meel-gaadhka ah ee Somalia ka tirsan iyo ururka Hisbul Islaam.
Hisbul Islaam ayaa sheegay in ay magaalada Beled Weyne ka baxeen waxaana hada magaalada gacanta ku hayaan ciidamada dawlada ku-meel gaadhka ah.
Cidamada dawlad ayaa xuduuda Etoobiya ee Feerfeer weerar ka soo qaaday, waxayna hada gacanta ku hayaan 115 iyo garoonka dayuuradaha.
Sida laga war qabo magaalada ayaa marba koox gacanta u gelaysa beryahan.

Xoghayah Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB oo ka hadlay manifestada KULMIYE

issa7.jpg

Medeshi
Xoghayah Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB oo ka hadlay manifestada KULMIYE 
“ Maya, xataa Kulmiye ayaan ku kasoonany inay fulinkaraan waxa ay sheegeen, sida aan hoos ku cadayndoono.”

Saddexda Xisbi Qaran Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Baraarujiyey Qaadashada Kaadhadhka Cusub Ee Doorashada Madextooyada

Medeshi

Saddexda Xisbi Qaran Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Baraarujiyey Qaadashada Kaadhadhka Cusub Ee Doorashada Madextooyada

Somaliland : Kaararka codbixiyaasha

| Medeshi |

Magaalada Hargeysa
Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland waxaa saaka si gaabis ah uga bilowday bedelaada kaararka diiwaangelinta codbixiyaasha.
Medeshi

Djibouti: Taliye ciidan oo la dilay

Cabdi Boqore, Taliyaha ciidanka Jandarmaariiga Djibouti ayaa gurigiisa maydkiisa laga helay iyadoo ay laabtiisa 4 xabadood ku taallo.

Burcad badeed la la'yahay

Medeshi

Burcad badeed
 Burcad badeedSida ay qortay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax burcad-badeedii qabsatay markabka shidaalka qaada ee Moscow University oo Ruushka laga lahaa, in ay ku guuldaraysteen in ay xeebta gaaraan.
Warkaas ayay wakaaladdu ka soo xigatay sarkaal sare oo ay sheegtay wakaaladda in uu ka tirsan yahay wasaaradda gaashaandhigga ee Russia.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay dhici karto in dhamaantood ay dhinteen.

David Cameron oo noqday Raiisul Wasaare

Medeshi

David Cameron
David Cameron oo noqday Raiisul Wasaare
Hogaamiyaha xisbiga Conservative ee Britain, David Cameron, ayaa noqday Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Britain, kadib markii uu is casilay Gordon Brown.
Boqoradda ayaa u magacawday xilka, wuxuuna sheegay in uu ka aqbalay in uu soo dhiso dowladda Britain ay yeelan doonto.
David Cameron, waxaa uu la wareegay xafiiska NO 10 ee looga taliyo dalka Britain.

Dagaal ka dhacay Muqdisho

Medeshi

Maliishiyo
Dagaal ka dhacay Muqdisho
Kooxaha Islaamiga ee ka dagaallamaya Soomaaliya
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 31 kalena waa ay ku dhaawxacmeen dagaal culus oo maanta dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ee mucaaradka ah.

Tacsi ku socota reer Cabi Fuuraa

(Medeshi)
Tacsi :
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
Dhamaanba bahda reer Moxamed Sh Axmed Cali Aden oo magacyadoodu ku qoran yihiin hoos iyo qoraaga www.medeshi.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ilaahay ha u naxariistee dhahmaanba eheladii uu ka geeriyooday Cabdi Maxamed Ducalle( Cabdi fuuraa) oo 20kii bishan ku geeriyodey magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco:

Moxamed Sh Axmed Cali
Fahiima Moxamed Rashid
Ibarahim M. Sh Axmed Cali
Hodan M. Sh Axmed Cali
Ismahan M. Sh Axmed Cali
Hana M. Sh . Axmed Cali
Raghe M. Sh. Axmed Cali oo kala jooga London iyo Hargeisa .

Waxaanay alle uga baryayaan in alle janadii fardawsa ka waraabiyo ,ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iiman kasiiyo, aamiin , aamiin,aamiin

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay