Hogaamiyaha xisbiga Conservative ee Britain, David Cameron, ayaa noqday Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Britain, kadib markii uu is casilay Gordon Brown. Boqoradda ayaa u magacawday xilka, wuxuuna sheegay in uu ka aqbalay in uu soo dhiso dowladda Britain ay yeelan doonto. Xisbigiisa ayaa codadka ugu badan ka helay doorashada balse ku guuldaraystay in uu aqlabiyad ku guulaysto. Waxaa uu wadahadal u socday xisbiga kale ee Liberal Democrats si ay isbahaysi u samaystaan. Waxaa uu ra'iisul wasaaraha cusub sheegay in isbahaysi buuxa uu la samaysan doono xisbiga Liberal Democrats. Ra'iisul wasaarihi hore, ayaa goor dhowayd xilka degay uguna baaqay boqoradda in ay magacawdo David Cameron. Boqoradda Britain, ayaa David Cameron u magacawday ra'iisul wasaaraha cusub ee Britain kadib markii uu booqday qasriga madaxtooyada Britain. |
David Cameron oo noqday Raiisul Wasaare
Medeshi
Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada
Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay
-
Medeshi Oct, 2008 Is Toxic Waste Behind Somali Piracy ? European firms are being accused of dumping toxic waste off the Somali coast. This i...
-
Medeshi Amnesty International - EU Office Dear Mr Solana, Open letter to participants in the Somali Donors' Conference In advance of the...
-
Medeshi Captive Indian sailors in Somalia send SOS Varanasi, Feb 13 (IANS) Fourteen Indian sailors, held captive on a cargo vessel off the S...