Martida Makrafoonka iyo Axmed Siilaanyo

Medeshi
Barnaamijka todobaadkan waxaa marti u ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqonaya Maraykanka.

Muran u Dhexeeya Xisbiyada Somaliland

Medeshi
Xisbiyada UDUB iyo Kulmiye ayaa is dhaafsanaya eedaymo kulul oo la xidhiidha muranka ka taagan Guurtida.

Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Medeshi
Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Sunday, 17 January 2010
Nairobi (Togdhnews)- Dawladda Kenya, ayaa kooxda Al-shabaab ku eedaysay ay ku lug lahaayeen mudaharaadkii rabshadaha watay ee Jimcihii ka dhacay magaaladda Nairobi, kaasi oo lagaga soo horjeeday tacadiga

Sultan Mohammed Ahmed Ali : Suldaanka beesha M. Ismail Bari oo salaan raciyadiisii u diraaya



Al Salaama calaykum wa raxmatu laahi wa barakaatuhu. Aniga oo ah Sultan Moxamed Axmed Cali waxaan halkan salaan diiran uga soo dirayaa dhamaanba dadka reer Sanaag khaasatan beesha Muse Ismaciil oo aan Sultaan u ahay. Waxaa ku hambalyaynayaa sida ay beeshu isugu filaatay oo ay arimaha horumarinta wadanka qaybtoodii uga qaateen.
Waxaan u balan qadayaa hadii illahay ka dhigu beelaha gobolka Sanaag ee aan ka soo jeedo iyo derisyadoodaba  in ay sharaf iyo barwaaqo iyo nabadgelyo kuwada noolaadaan . Sidaas ayaan ku balan qaadayaa kuna shaqaynayaa waana sababta la ii caleemo saaray.
Wabilaahi al tawfiiq....

Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia



Medeshi
Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia, Todobaadkana Lagu Wado Inuu Socdaal Ku Tago Dalkaas.

Tacsi ku socota reer Somaliland

(Medeshi)
Tacsi;

Dhamaan bahda reer Moxamed Sh. Axmed Cali Adan iyo beesha warbaahinta Medeshi iyo dadka kale oo hoos ku qoran waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumkii Wasiirkii dawlaha arimaha debeda ee Somaliland : Mudane Sacid Moxamed Nuur oo ku geeriyooday Hargeisa manta.
Waxaanu ilaahay uga baryaynaa in uu marxuumka ilaahay janadii ka waraabiyo eheladisiina samir iyo iimaaan ka siiyo. Aamin.
1. Axmed Cadi kooreeye
2. Moxamuud Cabdi kooreeye
3. Xassan Cabdi Kooreeye
4. Saalax A. Kooreeye
5. Saciid A. Kooreeye
6. Saleebaan A. Kooreeye
7. Moxamed A. Kooreeye
8. Mustafe A. Kooreeye
9. Ibrahim A. Kooreeeye
10. Moxamed Axmed Cali (Medeshi)
11. Xussein A. kooreeye
Samir iyo iiman ilaahay ha inaga wada siiyo ..
Aamii.

Somaliland Guantanamo

Medeshi

laba nin oo reer Somaliland ah oo ku xidhnaa xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay Cuba,ayaa maanta la geeyey Hargeisa.
Hayada Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ee ICRC ayaa dayuurad gaar ah ku keentay labada nin oo u dhiibtay xukuumada Somaliland.
Nimankaas oo magacyadooda la kala yiraahdo, Mohamed Sulemaan Barre iyo Ismaaciil Mohamed Carrale, waxay xabsigaasi ku jireen 8 snadood iyo 3 sanadood siday u kala horeeyaan.
Mohamed waxa laga qabtay Pakistan oo uu mudo 17 sanadood ah macallin ka ahaa,laakiin Ismaciil waxa isaga laga qabtay dalka Djibouti.
Haweenay Maraykan ah oo la sheegay inay ahayd qareenka labada nin ayaa iyana joogtay garoonka dayuuradaha ee Hargeisa ee ragaas la keenay .
Labada nin ayaa la sii daaye iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

lix ku dhimatay dab Eisleight

(Medeshi)

Ilaa iyo lix qof oo Soomaali ah ayaa geeriyoodey qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay koronto oo ka dhacey xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dadku ku waxyeeloobey shilkan ayaa waxaa lagu daweynayaa isbitaalada ku yaala xaafadaasi, iyadoo dhacdadan aysan ahayn tii ugu horeysey ee ay dad Soomaaliyeed ku dhintaan magaalada Nairobi.
Weriyaha BBCda Daud Aweis ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadkii goobjooga ahaa oo u sheegay in dabku ka dhashay koronto, dadkuna isku dayeen in ay biyo ku damiyaan.

Tacsi

(Medeshi)
Inlaa lilaahi wa inaa ilehi raajicuun ...


Dhamaanba reer Moxamed Sh. Axmed Cali iyo halwadeenada shabakada wararka ee Medeshi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday alle naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Maxamed Cabdi Dheere oo maanta ku geeriyooday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa in uu janadii ka warabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo .. Aamiin..

ICG, Oo Warbixin oo ay Ka Soo Saaray Arrimaha Somaliland U Gudbiyey Golaha Ammaanka

(Medeshi)
Kooxda ICG, Oo Warbixin Dheer oo ay Ka Soo Saaray Arrimaha Somaliland U Gudbiyey Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay warbixin dheer oo dhawr bog ka kooban oo ku saabsan marxaladaha doorashooyinka Somaliland ay soo martay, guddidu waxay kaga warbixiyeen xaaladahii siyaasadeed ee Somaliland soo wajahay bilahii ugu danbeeyey, waxaana warbixintu ay si toos ah uga hadashay dhaliilana ugu soo jeedisay hogaamiyayaasha axsaabta Somaliland isla markaana waxay ugu baaqday beesha caalamku inay ku cadaadiso xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay u fuliso doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka ee madaxtooyada si cadaalad ah oo aan mugdi ku jirin.

Musuqmaasuqa Hadheeyey Madaxtooyadda Somaliland

(Medeshi)
Eng. Maxamed Xaashi oo Daraasad ku soo bandhigay Musuqmaasuqa Hadheeyey Madaxtooyadda

Wednesday, 09 December 2009 (Togdheer News )
Hargeysa(Togdhnews) Lacagaha tooska ugu xerooda khasnadda madaxtooyadda waxa ka mid ah kuwa laga helo shidaalka, macdanta, dulsaarka dhoofka xoolaha, dekedda, kalluumaysiga, sirdoonka iyo amniga.
“Waxa sannadkii Ina Rayaale sifo sharci darro ah xoolaha la dhoofiyo uga soo xerooto lacag gaadhaysa $2, 000,000, markaa lacagta u soo xerootay muddadii uu xilka hayey waxay noqonaysaa $14,000,000”

Dalalka IGAD oo ka Walaacasn Amaanka Somalia



Medeshi
Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD oo uu shir uga socdo magalada Djibouti ayaa walaaca ka muujiyay xaaladda nabadgaliyada ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Seyoum Mesfin, oo dalkiisu uu shir-guddoominayo kulanka ayaa sheegay in xaaladda amaanka ee Soomaaliya ay tahay mid saamayn ku leh dalalka deriska ah.

Mr Mesfin ayaa VOAda u sheegay in xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sii eegi karin sida ay imika tahay isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in la taageero DKMG, waxaana uu intaasi raaciyay in Ethiopia ay diyaar u tahay in ay taageerto jiritaanka DKMG.

Axmed Cabdi Godane oo Laga Bedelay Hogaanka Al Shabaab

Medeshi
Djibouti, (RBC Radio) Hogaanka kooxda Al Shabab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la sheegay in laga qaaday Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano ‘Mukhtar Abu Zubeyr’ oo ahaa hogaamiyaha kooxdan.

Wasiirka arimaha dibada ee Djibouti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in uu heley warbixin tilmaameysa in hogaanka Al Shabab haatan si rasmi ah loogu wareejiyey Faadil Cabdallah Fazul oo ahaa hogaamiyaha Al Qaacida ee Geeska Afrika.

Tacsi

(Medeshi)
Dhamaan hawlwadeenada Shebekada Wararka ee Medeshi , waxay tacsi u dirayaan Qoyska reer Jaamac Kaahin gaar ahaan Gudoomiyaha Shebekada Wararka ee Oodweynenews Mudane Cabdi Rashiid Jaamac Kaahin oo uu walaalkii Mustafe Jaamac, ku geeriyoodey Denmark malintii ay bishu ahayd 05/12/2009 .

Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka ilaahay janadii ka waraabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin...
Mo..

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay