Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Medeshi
Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Sunday, 17 January 2010
Nairobi (Togdhnews)- Dawladda Kenya, ayaa kooxda Al-shabaab ku eedaysay ay ku lug lahaayeen mudaharaadkii rabshadaha watay ee Jimcihii ka dhacay magaaladda Nairobi, kaasi oo lagaga soo horjeeday tacadiga

dawladdu ku hayso wadaadka lagu magacaabo Sheekh Cabdillaahi Al-faysal oo u dhashay dalka Jamayka oo ku yaal qaaradda Ameerika.
Wasiirka Amniga Qaranka dawladda Kenya George Saitoti oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegay in banaanbixii maalintii Jimcaha ka dhacay magaaladda Nairobi ee xarunta Kenya ay ku lug lahaayeen shaqsiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Hadalkan ka soo yeedhay wasiirka amniga Kenya, ayaa ka dambeeyey, kadib markii kulan uu magaalada Nairobi kula qaatay hoggaamiyaasha diinta iyo xildhibaano ka tirsan Kenya, isaga oo sheegay in xog ay ka heleen waaxda sirdoonka ee dawladda Kenya, ay daboolka ka qaadeen in baadhitaan dheer ka dib ay ku ogaadeen in rabshadihii ka dhacay Nairobi ay ku lug lahaayeen kooxda Al-shabaab.
Waxa wasiirka amnigu xusay in dad ka tirsan Al-shabaab ay ku dhex dhuunteen mudaharaadayaasha, una sheegeen in dawladda Kenya hagardaamooyin badan ku hayso muslimiinta ku dhaqan dalka, isagoo intaa ku daray in waaxda sirdoonku ogaadeen in banaanbaxayaasha ay ku dhex jiraan dad shisheeye.
Suyxufiyiinta oo wasiirka weydiiyey waxyaabaha uu ku cadayn karo in rabshadihii ka dhacay Nairobi ay ku lug lahaayeen kooxda Al-shabaab, ayaa sheegay inay cadaymo badan hayaan, isaga oo weriyayaasha tusay sawiro ay daabaceen warbaahinta Kenya oo ay ka dhex muuqdaan calanka madow ee dhexda towxiidka ku leh ee Al-shabaab caanka ku tahay, isaga oo xusay in arrintaasi cadayn u tahay in dhalinyaro shisheeye ay banaanbaxa ku lug lahaayeen.
Ugu dambeyn ayaa George Saitoti waxaa uu sheegay in sheikh Cabdillaahi Al-faysal laga musaafurin doono, wadanka Kenya maadaama sida uu sheegay lala xadhiidhinayo in uu ka mid ahaa shaqsiyaad ka tirsan Ururka Al-qaacida.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-shabaab oo ku aadan eedeynta dawladda Kenya ee ah in ay ku lug lahaayeen banaanbaxyadii ka dhacay magaaladda Nairobi ee xarunta wadanka Kenya .
Banaanbaxyada ka dhacay magaaladda Nairobi , ayaa sababay khasaare soo gaadhay qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxayey, kuwaasi oo ka dhashay markii dawladda Kenya xidhay wadaadka u dhashay wadanka Jamayka ee Sheekh Cabdillaahi Al-feysal, taasi oo keentay in dad badan oo muslimiin Kenyan ah ay ka cadhoodaan.
TogdheerNews.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay