UK: Garaabadii oo ka xiiso badatay jaadkii.

(Medeshi)

Qiimihii garaabada ayaa kor u kacay ka dib markii diyaaridihii joogsadeen ka duuli jirey ama ka soo degi jiray UK intii Foolkanihii ka qarxay Iceland awgeed (Volcanic eruption in Iceland) – 14 .4.2010 ilaa maanta 20.4..2010.
Garaabada oo si caadi ah looga cuno dalalka carabta iyo waqooyiga Amerika, ayaa maalmahan danbe caadi ka noqotay in laga isticmaalo dalkan UK oo aan hore looga cuni jirin! Koobka caaga ah ee shaaha lagu shubtu ee har mal laga cabo (one time use) ayaa lagu miisaa caleenta Jaadka – nooca hareeri loo yaqaan oo la qalajiyey. Koobkaas mugiis ayaa ku bilowday £1.00 (hal gini) hadana (maantana) gaadhay £5.00 (shan gini).

Accord 21: Nabadda yaa iska leh oo loo doonayaa?

Medeshi
Nabadda yaa iska leh oo loo doonayaa?

Mark Bradbury iyo Sally Healy
Nabadda yaa iskaleh oo loo doonayaa? sideebaa xidhiid logu samaynkaraa Somalida nabadda doonaysa iyo beesha caalamka
Muddo labaatan sano si diblomaasiyad ah iyo awood millatari midba waxa surta-geli weydey sidii dawlad looga samayn lahaa Somalia. Dawladihii ka dhashay soo dhexgalka nabadaynta beesha caalamka, dhammaantood way ku guuldarraysteen inay curiyaan awood dawladeed iyo inay sugaan nabadda iyo ammaanka iyo adeegga bulshada Somaliyeed.
Laga bilaabo sannadkii 2001dii faragelinta caalamka way sii shidday oo kala fogeysey qalalaasaha siyaasadeed, Xaaladda biniaadanimadana way kasii dartay ee Koonforta Somaliya. Taasi waxay dhashay in saddex malyan oo ruux ay gargaar binaadanimo oo deg-deg ah u baahdaan sannadkan 2009ka.

Tacsi

Medeshi
TACSI

INAA LI LAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Anagoo ah dhamaan bahda warbaahinta Medeshi waxaan TACSI u daraynaa dhamaan reer CAli XAAJI MAXAMED MAXAMOUD  - REER CALI CAMBE,

anagoo ka tacsiyadaynayna geeridii ku timi ilaahay haw naxariistee CALI XAAJI MAXAMED oo ku magac dheeraa CALI CAMBE oo ku geeryooday magaalada Hargeisa maanta oo isnin ah, bishuna tahay 01/02/2010, ilaahay haw naxariisto, dadkiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Moxamed Sh. Axmed Cali
London
http://www.medeshi.com/

Markabkii Saliida siday oo la sii daayay

Medeshi
Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa siidayay markabkii saliida siday ee Greek, maalin kadib markii la siidayay lacag madaxfursho dhan 5.5 Million
Burcad-badeedda Somaalida ayaa sii daayay markabkii Saliida siday ee calanka Greek watay iyo 28 shaqaale ee saarnaa maalin kadib markii lacag madax furasho ah la bixiyay

Martida Makrafoonka iyo Axmed Siilaanyo

Medeshi
Barnaamijka todobaadkan waxaa marti u ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqonaya Maraykanka.

Muran u Dhexeeya Xisbiyada Somaliland

Medeshi
Xisbiyada UDUB iyo Kulmiye ayaa is dhaafsanaya eedaymo kulul oo la xidhiidha muranka ka taagan Guurtida.

Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Medeshi
Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Sunday, 17 January 2010
Nairobi (Togdhnews)- Dawladda Kenya, ayaa kooxda Al-shabaab ku eedaysay ay ku lug lahaayeen mudaharaadkii rabshadaha watay ee Jimcihii ka dhacay magaaladda Nairobi, kaasi oo lagaga soo horjeeday tacadiga

Sultan Mohammed Ahmed Ali : Suldaanka beesha M. Ismail Bari oo salaan raciyadiisii u diraaya



Al Salaama calaykum wa raxmatu laahi wa barakaatuhu. Aniga oo ah Sultan Moxamed Axmed Cali waxaan halkan salaan diiran uga soo dirayaa dhamaanba dadka reer Sanaag khaasatan beesha Muse Ismaciil oo aan Sultaan u ahay. Waxaa ku hambalyaynayaa sida ay beeshu isugu filaatay oo ay arimaha horumarinta wadanka qaybtoodii uga qaateen.
Waxaan u balan qadayaa hadii illahay ka dhigu beelaha gobolka Sanaag ee aan ka soo jeedo iyo derisyadoodaba  in ay sharaf iyo barwaaqo iyo nabadgelyo kuwada noolaadaan . Sidaas ayaan ku balan qaadayaa kuna shaqaynayaa waana sababta la ii caleemo saaray.
Wabilaahi al tawfiiq....

Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia



Medeshi
Madaxwaynaha Somaliland oo Marti Qaad Ka Helay Boqortooyada Sucuudiga Arabia, Todobaadkana Lagu Wado Inuu Socdaal Ku Tago Dalkaas.

Tacsi ku socota reer Somaliland

(Medeshi)
Tacsi;

Dhamaan bahda reer Moxamed Sh. Axmed Cali Adan iyo beesha warbaahinta Medeshi iyo dadka kale oo hoos ku qoran waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumkii Wasiirkii dawlaha arimaha debeda ee Somaliland : Mudane Sacid Moxamed Nuur oo ku geeriyooday Hargeisa manta.
Waxaanu ilaahay uga baryaynaa in uu marxuumka ilaahay janadii ka waraabiyo eheladisiina samir iyo iimaaan ka siiyo. Aamin.
1. Axmed Cadi kooreeye
2. Moxamuud Cabdi kooreeye
3. Xassan Cabdi Kooreeye
4. Saalax A. Kooreeye
5. Saciid A. Kooreeye
6. Saleebaan A. Kooreeye
7. Moxamed A. Kooreeye
8. Mustafe A. Kooreeye
9. Ibrahim A. Kooreeeye
10. Moxamed Axmed Cali (Medeshi)
11. Xussein A. kooreeye
Samir iyo iiman ilaahay ha inaga wada siiyo ..
Aamii.

Somaliland Guantanamo

Medeshi

laba nin oo reer Somaliland ah oo ku xidhnaa xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay Cuba,ayaa maanta la geeyey Hargeisa.
Hayada Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ee ICRC ayaa dayuurad gaar ah ku keentay labada nin oo u dhiibtay xukuumada Somaliland.
Nimankaas oo magacyadooda la kala yiraahdo, Mohamed Sulemaan Barre iyo Ismaaciil Mohamed Carrale, waxay xabsigaasi ku jireen 8 snadood iyo 3 sanadood siday u kala horeeyaan.
Mohamed waxa laga qabtay Pakistan oo uu mudo 17 sanadood ah macallin ka ahaa,laakiin Ismaciil waxa isaga laga qabtay dalka Djibouti.
Haweenay Maraykan ah oo la sheegay inay ahayd qareenka labada nin ayaa iyana joogtay garoonka dayuuradaha ee Hargeisa ee ragaas la keenay .
Labada nin ayaa la sii daaye iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay