Somaliland - Madaxweyne Biixi oo Imaaraadka u Safray

(VOA) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar aan hore loo shaacin maanta ugu kicitamay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.


Madaxweyne Biixi, oo aan saxaafadda la hadal markii uu dhoofiyay, ayaa waxa safarkaasi ku wehelinayay shan wasiir oo kala ah, wasiirrada arrimaha dibedda, Qorshaynta, Ciyaaraha, Arrimaha Distoorka iyo Biyaha; iyo sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Safarka madaxweyne Biixi ayaa ku soo beegmay xilli ay mudanayaasha labada baarlamaan ee Federaalka ah iyo kan Somaliland ay siyaabo kala duwan uga hadleen heshiis saddex geesood ah oo dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World

Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid aan jirin, halka golaha wakiillada ee Somaliland isna ku tilmaamay heshiiskaas mid sharci ah oo aan khusaynin baarlamaanka Soomaaliya.

SHARE

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay