Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay Somaliland u aqoonsanayso dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya

Medeshi|HOL|
Sabti, May 21, 2011 (HOL)  Xukuumadda Kenya ayaa sheegay inay diyaar u tahay inay u aqoonsato Somaliland dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, kaddib markii ay muddo 20-sano ka hor ka ku dhaaqday gooni isku-taaggeeda.
Warkan oo lagu qoray shabakadda Presstv ayaa lagu sheegay in kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Richard Onyonka uu hadalkan ka sheegay shir lagu taageerayay gooni-isku-taagga Somaliland oo Jimcihii shalay oo ka dhacay Nairobi, isagoo ku boorriyay dalalka kale ee Midowga Afrika inay aqoonsadaan Somaliland.
Maxamed Saalax oo ka mid ah dadkii shirkaas ka qaybgalay oo Somaliland kana soo-jeeda ayaa sheegay in Somaliland ay u qalanto in la aqoonsado maadaama tan iyo markii ay ka go'aday Soomaaliya inteeda kale ay ka jirtay nabad buuxda.
"Waxaan ka shaqeynay inaan nabad ka dhino deegaannadeenna, taasoo bulshada caalamka ku cadaadinaysa inay noo aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale," ayuu yiri Maxamed Saalax.
Bishan 18-keedii ayaa looga dabaaldagay gobollada ay ka kooban tahay Somaliland xuska sannadguuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen gooni isku taagga, iyagoo aan tan iyo xillgaas helin wax aqoonsi caalmi ah.
Somaliland oo ka kooban gobolladii waqooyi-galbeed, togdheer iyo Awdal ee 18-ka gobol ee Soomaaliya oo xorriyada ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska 26, June 1960-kii ayaa waxaa ka jirtay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii maamul iyo nabadgalyo.
Dalka Kenya ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay caalamka oo aqoonsada Somliland haddii hadalka Onyonka uu noqdo mid ay hirgeliso xukuumadda dalkaas ka jirta oo uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay