Medeshi
Nabadda yaa iska leh oo loo doonayaa?
Mark Bradbury iyo Sally Healy
Nabadda yaa iskaleh oo loo doonayaa? sideebaa xidhiid logu samaynkaraa Somalida nabadda doonaysa iyo beesha caalamka
Muddo labaatan sano si diblomaasiyad ah iyo awood millatari midba waxa surta-geli weydey sidii dawlad looga samayn lahaa Somalia. Dawladihii ka dhashay soo dhexgalka nabadaynta beesha caalamka, dhammaantood way ku guuldarraysteen inay curiyaan awood dawladeed iyo inay sugaan nabadda iyo ammaanka iyo adeegga bulshada Somaliyeed.
Laga bilaabo sannadkii 2001dii faragelinta caalamka way sii shidday oo kala fogeysey qalalaasaha siyaasadeed, Xaaladda biniaadanimadana way kasii dartay ee Koonforta Somaliya. Taasi waxay dhashay in saddex malyan oo ruux ay gargaar binaadanimo oo deg-deg ah u baahdaan sannadkan 2009ka.
Markii la waayey dawlad, dani waxay badday dadka Somaliyeed inay dib ugu noqdaan xeer dhaqankii Somalida oo ay ku xaliyaan dib-u-soo-cilinta nabbadda iyo ammaanka. Taas waxay keentay guul xagga siyaasadda, maamulka iyo degganaansha Somalida qaarkood. Guulaha ay Somalidu iskood u gaadhikaraan waxa tusaale u noqonkara Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntland-Somalia. Waxa laga dareemay Koonforta iyo Gobolada dhexe ee Somaliya in xalkaasi keeni karo dibu heshiisiin iyo sugidda ammaanka.
Xasilooni darrada iyo qalalaasaha raagey ee Somalia kama helin danayin iyo daryeel joogta ah beesha caalamka. Bilawgii sagaashannadii 1990s waxa la qaaday olole caalami ah oo taagero bini aadanimo iyo xasiloonida ammaanka Somaliya. Waxa hoggaminayey Jamciyadda Qaramada Midowbey-Unosom. Ka dib markii UNOSOM ku guul darraysatay ololaha, beesha caalamku way ka xiisa jabeen wax u qabadka Somalida. Ka bacdi dawladaha jaarka Somaliya waxay isku taxallajiyeen sidii arrinta loogu heli lahaa xal.
Ka dib Qaraxii 9/11 danayntii beesha caalamka dib bay ugu soo noqotay Somaliya iyadoo ay ka abuurantay kooxo argagixiso waddamadii aan dawladaha lahayn. Ladagaallanka caalamiga ah ee kooxaha ISLAAMIYIINTA waxay sabab u ahayid in militariga xabashidu uu xoog ku galo Somalia oo ka saaro Maxaakimta islamiga ah magalada muqdisho sannadkii 2006dii iyo imaatinkii xoogag Afrikaan ah oo ilaalinta nabadgelyada iyo dawladda kumeelgaadh ka. Isla markaana waxay xaaladdu dhashay in hayadda IGAD inay gacan wein ku yeelato doonista soocelinta nabadgelyada Somalia.
Qoraalkani wuxu baadhayaa badnaanta isku dayga nabad raadinta beesha caalamka iyo Somalida dhexdeedaba 20kii sano u odanbeeyey. Way adagtahay in lasoo saaro diraasad ku saabsan sidii nabad loo heli lahaa loogana hortegi lahaa colaaddan joogtada ah. Xasilooni darridii way si korodhay koonforta iyo gobollada dhexe ee Somaliya. Suaashu waxay tahay Nabadda ma meel aan laga eegin baa weli jirta. Xasilooni darrada jirtaa waxay kalliftey saddex qoraa oo ka qayb qaatay qoraalkan in ay codsadaan inaan la magacaabin. Waxaanu rajayneynaa in uu qoraalkani dhiirri geliyo in lasii wado raadintii xeelado cusub oo waxtar leh oo loogu dhiso nabadda.
Qoraalkan waxa af Somali u bedeley Mohammed Ahmed Ali (Medeshi) iyo A. H. Guled
waxaad ka akhriyi kartaa qoraalkan oo dhan halkan :
http://c-r.org/our-work/accord/somalia/somalian/contents.php (Somali version)
http://c-r.org/our-work/accord/somalia/index.php (English version )