Safaaradda UK ee Tehran oo la weeraray

Arday careysan ayaa xoog ku galay dhismaha Safaaradda Britain ay ku leedahay caasimadda Iran ee Tehran.
Arrintani waxay dhacday iyada oo ardaydu ay ka bannaan baxayaan cunaqabateynta saaran Iran.

Telefishinka ayaa laga arkay calanka Britain oo la jeexjeexayo iyo dokumenti dariishadaha laga tuurayo.
Booliiska ayaa markii dambe ka fogeeyey albaabka safaaradda, aakhirkiina kala ceyriyay bannaabaxayaashii.
Inta aanay safaaradda tegin, ardaydu waxay ku dhawaaqayeen "Ingiriisku ha dhinto", booliiskana wey isku dheceen.
Dhacdadani waxay ku soo beegantay laba maalmood ka dib, markii Golaha u taliya Iran iyo Baarlamaankuba ay go'aan ku gaareen in la dhimo xiriirka ay Iran la leedahay UK, oo cunaqabetyn hor leh ku soo rogtay Iran, arrinta lagu murunsan yahay ee hubka Nukliyeerka Iran awgeed.-bbc

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay