Xanuun aan magaciisa la Aqoonsanay oo ka dilaacay magaalada Berbera.

Medeshi

TUESDAY, 24 MAY 2011
Berbera-(Togdhnews)-Xanuun aan la aqoonsan wuxuu yahay ayaa ka dillaacay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaas oo haleelay dadweyne kala duwan.

Xanuunkan oo bishii u dambaysayba ku jiray magaalada Berbera, isla markaana ku dhacay dadweyne kala duwan, ayaa leh astaamo ay ka mid yihiin xummad aad u daran oo qofka ku keenaysa in uu miyir-beelo, taas oo aan wali la aqoonsan waxay tahay. "Xanuunkani wuxuu ku dhacay dadweyne badan, qaarkoodna waxay u jiifaan Cusbatalka guud ee Berbera,"sidaa waxa HOL u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan Berbera, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Dadka intii qabtay Xannuunada Macaanka iyo Dhiig-karku magaalada way ka xagaa-baxeen badankoodu, sababtoo ah, dadka kale way uga nugul yihiin xanuunkan."

Inkastoo aanay jirin cilmi-baadhis caafimaad oo sheegtay ama Dakhtar aqoon u leh oo shaaciyay, haddana dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ayaa qaarkood ay aaminsan yihiin in xanuunkan ay keeneen sun ka daadatay Gantaalo ay lahaan jireen Ciidamadii Ruushka ee wakhtigii Dawladdii Siyaad Barre degannaa Berbera, kuwaas oo muddo aan dhawayn la qarxiyay.

Xanuunkan oo ah mid haleelaya dadweynaha da’dooda kala duwan, ayaa waxa ka hadlay Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Cabdikariim Maxamuud Gaas oo sheegay in xannuunkani aanu u waynayn sida loo sheegayo, waxaanu xusay in aanay wali aqoonsan waxa keena iyo sababta uu ku yimaaddo toona, "Wasaaradda Caafimaadku waxay noo soo dirtay guddi ka socda qaybta la-dagaallanka cudurada faafa, dad u jiifa xanuunkan ayaananu ka qaadnay dhiig, waxaananu u dirnay shaybaadh dalka dibeddiisa ah, si loo ogaado xanuunku wuxuu yahay," ayuu yidhi Isu-duwaha oo u waramay VOA.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inaanay masuuliyiin ahaan odhan Karin xanuunkan waxa keenay Sun Badda lagu daadiyay ama meel kale oo deegaannadaas ka mid ah, "Maadaama aan wali la aqoonsan waxa keenay cudurkan, ma odhan karno taas,"ayuu yidhi Isu-duwuhu.

Inkasta oo aanu sheegin Isu-duwaha Caafimaadku cid u dhimatay xanuunkan, haddana warbaahinta madaxa bannaan ee Hargeisa ka soo baxa, ayaa sheegay in hal qof uu u dhintay xumaddan. Mase jiraan, warar rasmiyan xaqiijinaya in qofkaasi u dhintay xanuunkan iyo in kale.

Masuuliyiinta gobolka Saaxil ayaa muddooyinkii uu xanuunkani jiray aan hore uga hadal, isla markaana ka gaabsaday inay ka hadlaan, iyaga oo sida la sheegay aaminsan in haddii ay shaaciyaan xanuun aanay war u haynin nooca uu yahay, ay keeni karto saamayn dhinaca Ganacsiga ah, maadaama ay magaalada Berbera tahay xarun Ganacsiyeed.

Togdheer News


Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay