Burcad badeed la la'yahay

Medeshi

Burcad badeed
 Burcad badeedSida ay qortay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax burcad-badeedii qabsatay markabka shidaalka qaada ee Moscow University oo Ruushka laga lahaa, in ay ku guuldaraysteen in ay xeebta gaaraan.
Warkaas ayay wakaaladdu ka soo xigatay sarkaal sare oo ay sheegtay wakaaladda in uu ka tirsan yahay wasaaradda gaashaandhigga ee Russia.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay dhici karto in dhamaantood ay dhinteen.
Tobanka burcadbadeed, ayaa ciidamada badda Ruushka ay ka dajiyeen markabka Moscow University oo ay qabsadeen, kaasoo ay saarnayd ilaa 86 kun oo ton oo saliid cayriin ah iyo sahay kale oo ka timid Sudan kuna sii jeeday dalka Shiinaha. Waxay ka dhigeen hubka kadibna saareen hal doon oo yar, waxayna kaga tageen meel ilaa 300 oo mile xeebta u jira, iyagoo ka qaatay wixii qalab doonta saarnaa oo uu ku jiro qalabkii hagidda ee jihada tilmaamaya.
Ilaa hadda lama hubo meel ay ku dambeeyaan, iyadoo qof ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka uu u sheegay warbaahinta RIA Novosti in burcadbadeeda la saaray doomaha la buufiyo kadibna lagu sii daayay badda.
Waxaa loo malaynayaa in ay dhinteen.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay