Axsaabta Somaliland oo Ka Dooday Waqtiga Doorashada

VOAda ayaa Dood u qabatay axsaaabta Somaliland taasi oo ay uga hadleen waqtiga ugu haboon ee doorasho la qaban karo

Waxa qoray Sahra Ciidle Nuur
Hargeysa Jimco, 13 November 2009
Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa isku maandhaafsan muddada doorasho lagu qaban karo iyadoo ay xisbiyada mucaaradka ahi aaminsanyihiin in wax ka yar bil iyo badh lagu qaban karo doorashada madaxtooyada, halka ay xisbiga UDUBna aaminsanyihiin fikir kaasi ka soo horjeeda iyagoo daliilshanaya in caqabado dhawr ahi hor yaalaan gudigan cusub ee doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kala shaandhaynta natiijadii diiwaan galinta iyo hawlo kale .
Laanta Af Soomaaliga ee VOAda ayaa dood u qabatay sadex Xildhibaan oo ka soo kala jeeda saddexda xisbi oo ay kaga hadleen fikradaha ay kala aaminsanyihiin, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo xisbiga UCID ka tirsan ayaa ugu horayn sheegay inuu aaminsanyahay in wax ka yar bil iyo badh lagu qaban karo doorashada hadaan xukuumadu lugta jiidin.
Dhanka kalena Xildhibaan Maxamed Saalax Cige oo isagu ka soo jeeda xisbiga talada haya ee UDUB ayaa sheegay in uu aaminsanyahay inaanay doorasho qabsoomi karin ilaa sadexda bilood ee soo socda marka la eego yidhi duruufaha taagan gudaha iyo dibedaba.
Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo isagu ka soo jeeda xisbiga Kulmiye ayaa xukuumada iyo xisbiga UDUB uga digay in ay wakhtiga dheeraystaan oo ay isku ilaawaan mudo kordhinta loo sameeyay.
Xildhibaanada saddexda xisbi ka soo kala jeedaa waxay aragtiyo kala duwan ka qabaan cida faragalinta ugu badan ku samaysa gudiga doorashooyinka oo ay qoloba qolada kale ku eedaysay, waxa se ay iskala mid noqdeen in ay gudigan doorashada ee cusubi ka badbaadi karaan turunturooyinkii ka horyimi gudigii hore.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay