Puntland oo Qabatay $1.8 milyan Doollar Been Abuur ah

Medeshi
Puntland oo Qabatay $1.8 milyan Doollar Been Abuur ah
Waxa qoray Nuux Muuse
Garowe Arboco, 28 October 2009
Doollar Been Abuur ah
Booliiska gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay inay ninkaasi qabteen 17-kii bishan oktoobar isaga oo wata laba kartoon oo ay ka buuxdo lacag doollarka Maraykanka ah.

Sida uu idaacaddan VOA u sheegay Gaashaanle Sare Cabdiraxman Abshir Faarax, Taliyaha Booliiska Nugaal, lacagta la qabtay ayaa cadadkeedu dhan yahay Hal Milyan iyo Siddeed Boqol oo Kun oo Doollar ($1.8 milyan).
Gaashaanle Sare Cabdiraxman Abshir Faarax waxa uu sheegay in lacagtan ay tahay lacag madow ama been abuur. Waxa uu intaasi ku daray in ninka lacagtaasi lagu qabtay uusan dafirin in lacagtaais bene abuur tahay, waxana uu sheegay in garooska Puntland ay dacwad ku soo oogi doonaan.
Gaashaanle Sare Cabdiraxman Abshir Faarax waxa uu sheegay inay jirto kiimiko lagu dhaqo lacagtaasi si loogu ekaysiiyo dollar sax ah. Waxa uu sheegay in kiimikadaais oo ah mid qaali ah laga yabao dadka haysta inay joogaan isla Puntland, ayna u badan tahay inay qabtaan dad kale oo dheeraad ah oo lala xiriirinayo doollarkan been abuurka ah.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay