Somaliland Guantanamo

Medeshi

laba nin oo reer Somaliland ah oo ku xidhnaa xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay Cuba,ayaa maanta la geeyey Hargeisa.
Hayada Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ee ICRC ayaa dayuurad gaar ah ku keentay labada nin oo u dhiibtay xukuumada Somaliland.
Nimankaas oo magacyadooda la kala yiraahdo, Mohamed Sulemaan Barre iyo Ismaaciil Mohamed Carrale, waxay xabsigaasi ku jireen 8 snadood iyo 3 sanadood siday u kala horeeyaan.
Mohamed waxa laga qabtay Pakistan oo uu mudo 17 sanadood ah macallin ka ahaa,laakiin Ismaciil waxa isaga laga qabtay dalka Djibouti.
Haweenay Maraykan ah oo la sheegay inay ahayd qareenka labada nin ayaa iyana joogtay garoonka dayuuradaha ee Hargeisa ee ragaas la keenay .
Labada nin ayaa la sii daaye iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

lix ku dhimatay dab Eisleight

(Medeshi)

Ilaa iyo lix qof oo Soomaali ah ayaa geeriyoodey qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay koronto oo ka dhacey xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dadku ku waxyeeloobey shilkan ayaa waxaa lagu daweynayaa isbitaalada ku yaala xaafadaasi, iyadoo dhacdadan aysan ahayn tii ugu horeysey ee ay dad Soomaaliyeed ku dhintaan magaalada Nairobi.
Weriyaha BBCda Daud Aweis ayaa la hadlay qaar ka mid ah dadkii goobjooga ahaa oo u sheegay in dabku ka dhashay koronto, dadkuna isku dayeen in ay biyo ku damiyaan.

Tacsi

(Medeshi)
Inlaa lilaahi wa inaa ilehi raajicuun ...


Dhamaanba reer Moxamed Sh. Axmed Cali iyo halwadeenada shabakada wararka ee Medeshi waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday alle naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Maxamed Cabdi Dheere oo maanta ku geeriyooday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa in uu janadii ka warabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo .. Aamiin..

ICG, Oo Warbixin oo ay Ka Soo Saaray Arrimaha Somaliland U Gudbiyey Golaha Ammaanka

(Medeshi)
Kooxda ICG, Oo Warbixin Dheer oo ay Ka Soo Saaray Arrimaha Somaliland U Gudbiyey Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay warbixin dheer oo dhawr bog ka kooban oo ku saabsan marxaladaha doorashooyinka Somaliland ay soo martay, guddidu waxay kaga warbixiyeen xaaladahii siyaasadeed ee Somaliland soo wajahay bilahii ugu danbeeyey, waxaana warbixintu ay si toos ah uga hadashay dhaliilana ugu soo jeedisay hogaamiyayaasha axsaabta Somaliland isla markaana waxay ugu baaqday beesha caalamku inay ku cadaadiso xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay u fuliso doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka ee madaxtooyada si cadaalad ah oo aan mugdi ku jirin.

Musuqmaasuqa Hadheeyey Madaxtooyadda Somaliland

(Medeshi)
Eng. Maxamed Xaashi oo Daraasad ku soo bandhigay Musuqmaasuqa Hadheeyey Madaxtooyadda

Wednesday, 09 December 2009 (Togdheer News )
Hargeysa(Togdhnews) Lacagaha tooska ugu xerooda khasnadda madaxtooyadda waxa ka mid ah kuwa laga helo shidaalka, macdanta, dulsaarka dhoofka xoolaha, dekedda, kalluumaysiga, sirdoonka iyo amniga.
“Waxa sannadkii Ina Rayaale sifo sharci darro ah xoolaha la dhoofiyo uga soo xerooto lacag gaadhaysa $2, 000,000, markaa lacagta u soo xerootay muddadii uu xilka hayey waxay noqonaysaa $14,000,000”

Dalalka IGAD oo ka Walaacasn Amaanka Somalia



Medeshi
Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD oo uu shir uga socdo magalada Djibouti ayaa walaaca ka muujiyay xaaladda nabadgaliyada ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia Seyoum Mesfin, oo dalkiisu uu shir-guddoominayo kulanka ayaa sheegay in xaaladda amaanka ee Soomaaliya ay tahay mid saamayn ku leh dalalka deriska ah.

Mr Mesfin ayaa VOAda u sheegay in xaaladda Soomaaliya ayaa lagu sii eegi karin sida ay imika tahay isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in la taageero DKMG, waxaana uu intaasi raaciyay in Ethiopia ay diyaar u tahay in ay taageerto jiritaanka DKMG.

Axmed Cabdi Godane oo Laga Bedelay Hogaanka Al Shabaab

Medeshi
Djibouti, (RBC Radio) Hogaanka kooxda Al Shabab oo dagaal kula jirta dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay la sheegay in laga qaaday Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaano ‘Mukhtar Abu Zubeyr’ oo ahaa hogaamiyaha kooxdan.

Wasiirka arimaha dibada ee Djibouti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in uu heley warbixin tilmaameysa in hogaanka Al Shabab haatan si rasmi ah loogu wareejiyey Faadil Cabdallah Fazul oo ahaa hogaamiyaha Al Qaacida ee Geeska Afrika.

Tacsi

(Medeshi)
Dhamaan hawlwadeenada Shebekada Wararka ee Medeshi , waxay tacsi u dirayaan Qoyska reer Jaamac Kaahin gaar ahaan Gudoomiyaha Shebekada Wararka ee Oodweynenews Mudane Cabdi Rashiid Jaamac Kaahin oo uu walaalkii Mustafe Jaamac, ku geeriyoodey Denmark malintii ay bishu ahayd 05/12/2009 .

Waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu marxuumka ilaahay janadii ka waraabiyo eheladiisiina samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin...
Mo..

Soomaaliya : Dhaawac la geeyay Nairobi



Medeshi
Dhaawicii ugu darnaa qaraxii Khamiistii ka dhacay Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho, oo ay ka mid yihiin wasiirkii ciyaaraha iyo qaar ka mid ah dhaqaatiirtii dhaawacmay, ayaa xalay la geeyo magaalada Nairobi.
Dhaawaca oo uu ugu darnaa kan wasiirka ciyaaraha, ayaa la dhigay isbitaalka Aga Khan ee Nairobi.
Dadkii ku mashquulay howsha sidii dhawaca loo gaarsiin lahaa isbitaalka, waxaa ka mid ahaa Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, Maxamed Cismaan Aden (edson).

Soomaaliya : Sharmaarke: Ha la Taageero Dawladda

Medeshi

Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku addan Afghansitan lagu daro Somalia.
Ra’iisal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ku baaqay in qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ee ku addan Afghansitan lagu daro Somalia.
Dhmabaal lagu soo daabacay waragyeska Times maanta oo sabti ah ayuu ku sheegay in khudbaddii Madaxweyne Obama ee ku aaddaanayd Afghanistan ay astaan u tahay siyaasadaha lagu taageerayo dalalka qalalaasuhu ka jiraan.

Soomaaliya: Caalamka Carabta iyo Cambaarayntii Qaraxa



Medeshi
Dunida Carabta ayaa cambaaraysay qaraxii Hoteel Shaamow. Jaamaacadda Carabta, dawaladda Masar iyo ururka saxafiyiinta carbeed ayaa soo saaray baaqyo cambaarayn ah.
Maanta oo sabti ah, ayaa waxa ay kasoo baxeen Qoraallo arintaas lagu Canbaareynayo, dalal iyo Hay'addo Carbeed oo ay ku jiraan Dalka Masar, Jaamacada Carabta iyo Ururuka Midoowga Suxufiyiinta Carbeed.

Five Pakistani clerics killed in Somalia

Medeshi
Gunmen on Wednesday stormed a mosque in Somalia's central town of Galkayo and shot dead five Pakistani Muslim clerics after dawn prayers, officials and witnesses said.
They dragged the preachers out of the mosque and opened fire on them, said a police official in the town straddling Somalia's self-declared state of Puntland and Somalia proper.

TACSI,

Medeshi
INAA LILAYHI WA INAAHI RAAJICUUN.
Waxa aanu tacsi u diraynaa Dr Mohamed Osman Fadal oo afadii carruurta u lahayd Marxuumad Qamar Adan Abdillahi oo ahayd Wasiirkii Caafimaadka ee Soomalia ee ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Mogadishu bisha December 3deedii.
1. Dr Hassan Ismail Yusuf
2. Dr Abokor Hassan Guled
3. Roda mohamoud Karaani
4. Mohamed Ahmed Ali (Medeshi)
5. Amina Abdi Ibrahim
6. Mohamed Dahir Ahmed
7. Mohamed Adan Waraabe
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo; carruurtii,qoyskii, eheladii iyo asxaabtiina samir iyo iimaan ha ka siiyo.
AAMIIN.

Shiikh Maxamed-Rashaad ayaa maanta lagu aasay Maka



Medeshi
Allaha u naxariistee, Shiikh Maxamed-Rashaad, oo ah Shiikh Soomaaliyeed oo caan ah ayaa maanta lagu aasay Maka, kadib markii uu shalay ku geeriyooday Mina, oo ka mid ah goobaha arkaanta xajka lagu guto, isaga oo gudanayay waajibaadka xajka.
Dr. Maxamed-Rashaad Macallin Isaxaaq, waxaa uu ahaa Shiikh weyn oo caalim ah, oo dadka ku wacdiya cajaladaha, internetkaba iyo Masaajidda Yurub iyo Canada.
Wuxuuna ahaa Imaamka Masjidka ugu weyn magaalada Ottawa, oo ah caasimadda Canada.
Wuxuuna Jaamacad ku taalla Canada, ka dhigi jiray maaddo la xiriirta Shareecada iyo caafimaadka.

70+ ku dhimatay Sucuudiga



Medeshi
Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay in ay 70 ruux in ka badani ay ku dhinteen daadad ka dhacay dalkaas.
Dhimashada inteeda badan waxay ka dhacday magaalada Jedda oo ku taalla xeebta Badda Cas ee dalka Sucuudiga.
Roobabkii ugu darnaa sannado ayaa waxay burburiyeen waddooyinka dhulka hoos mara, dhismayaal iyo buundooyin ama kaabado.
900 oo ruux oo go'doomay ayaa la soo daad gureeyay.
Wasiirka Sucuudiga ee Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in aan dadka xajinaya qofna uga dhiman daadadkan

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay