Medeshi

Djibouti: Taliye ciidan oo la dilay

Cabdi Boqore, Taliyaha ciidanka Jandarmaariiga Djibouti ayaa gurigiisa maydkiisa laga helay iyadoo ay laabtiisa 4 xabadood ku taallo.

Burcad badeed la la'yahay

Medeshi

Burcad badeed
 Burcad badeedSida ay qortay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax burcad-badeedii qabsatay markabka shidaalka qaada ee Moscow University oo Ruushka laga lahaa, in ay ku guuldaraysteen in ay xeebta gaaraan.
Warkaas ayay wakaaladdu ka soo xigatay sarkaal sare oo ay sheegtay wakaaladda in uu ka tirsan yahay wasaaradda gaashaandhigga ee Russia.
Sarkaalka ayaa sheegay in ay dhici karto in dhamaantood ay dhinteen.

David Cameron oo noqday Raiisul Wasaare

Medeshi

David Cameron
David Cameron oo noqday Raiisul Wasaare
Hogaamiyaha xisbiga Conservative ee Britain, David Cameron, ayaa noqday Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Britain, kadib markii uu is casilay Gordon Brown.
Boqoradda ayaa u magacawday xilka, wuxuuna sheegay in uu ka aqbalay in uu soo dhiso dowladda Britain ay yeelan doonto.
David Cameron, waxaa uu la wareegay xafiiska NO 10 ee looga taliyo dalka Britain.

Dagaal ka dhacay Muqdisho

Medeshi

Maliishiyo
Dagaal ka dhacay Muqdisho
Kooxaha Islaamiga ee ka dagaallamaya Soomaaliya
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 31 kalena waa ay ku dhaawxacmeen dagaal culus oo maanta dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ee mucaaradka ah.

Tacsi ku socota reer Cabi Fuuraa

(Medeshi)
Tacsi :
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
Dhamaanba bahda reer Moxamed Sh Axmed Cali Aden oo magacyadoodu ku qoran yihiin hoos iyo qoraaga www.medeshi.com waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ilaahay ha u naxariistee dhahmaanba eheladii uu ka geeriyooday Cabdi Maxamed Ducalle( Cabdi fuuraa) oo 20kii bishan ku geeriyodey magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco:

Moxamed Sh Axmed Cali
Fahiima Moxamed Rashid
Ibarahim M. Sh Axmed Cali
Hodan M. Sh Axmed Cali
Ismahan M. Sh Axmed Cali
Hana M. Sh . Axmed Cali
Raghe M. Sh. Axmed Cali oo kala jooga London iyo Hargeisa .

Waxaanay alle uga baryayaan in alle janadii fardawsa ka waraabiyo ,ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iiman kasiiyo, aamiin , aamiin,aamiin

Qaybtii Koowaad; Dulmigaga yaa wada tolow?

Medeshi
By Ismail Aw Adan Jaajimo
Dulmigaga yaa wada tolow?
Ma Madaxweynaha dalkaan
Bulshada dawgeeda iyo
Samuhu inu dooryihihiyo
Danguud u tilmaaminoo
Ka daalay hogaamintoo
Dareenkiisaa qarsoon
Dulmiga yaa wada tolow?
Rag hawl qaran loo dirtoo
Dayacay oo bahaylahshoo
Danttooda ka oofsadoo
Dukaamiyo beero iyo
Daar iyo guri weyn dhistiyo
Dilaal iyo tuugagbaa?
Dulmiga yaa wada tolow?
Ma dumarkeer waalifee
Raggii qabay dayriyee
Daryeel iyo nolol rabee
Daleelaha waabtayee
Derbiga kolayada dhigtee
Marduufyada loo dejee
Intaba laga daynsadee
Amaahdii daba socdee
Dawaqay ee yaabbanbaa?
Dulmiga yaa wada tolow?
Ma diricyaashii kacee
Damqaday ee dhiidhiiyee
Dagaalka jahaadayee
Dadkuna taageerayee
Dalkeenne xoreeyayee
Xil iyo derejoba dhigee
Dudmada meermeerayee
Haddeerra la dabasocdaa?
Dulmiga yaa wada tolow?

UK: Garaabadii oo ka xiiso badatay jaadkii.

(Medeshi)

Qiimihii garaabada ayaa kor u kacay ka dib markii diyaaridihii joogsadeen ka duuli jirey ama ka soo degi jiray UK intii Foolkanihii ka qarxay Iceland awgeed (Volcanic eruption in Iceland) – 14 .4.2010 ilaa maanta 20.4..2010.
Garaabada oo si caadi ah looga cuno dalalka carabta iyo waqooyiga Amerika, ayaa maalmahan danbe caadi ka noqotay in laga isticmaalo dalkan UK oo aan hore looga cuni jirin! Koobka caaga ah ee shaaha lagu shubtu ee har mal laga cabo (one time use) ayaa lagu miisaa caleenta Jaadka – nooca hareeri loo yaqaan oo la qalajiyey. Koobkaas mugiis ayaa ku bilowday £1.00 (hal gini) hadana (maantana) gaadhay £5.00 (shan gini).

Accord 21: Nabadda yaa iska leh oo loo doonayaa?

Medeshi
Nabadda yaa iska leh oo loo doonayaa?

Mark Bradbury iyo Sally Healy
Nabadda yaa iskaleh oo loo doonayaa? sideebaa xidhiid logu samaynkaraa Somalida nabadda doonaysa iyo beesha caalamka
Muddo labaatan sano si diblomaasiyad ah iyo awood millatari midba waxa surta-geli weydey sidii dawlad looga samayn lahaa Somalia. Dawladihii ka dhashay soo dhexgalka nabadaynta beesha caalamka, dhammaantood way ku guuldarraysteen inay curiyaan awood dawladeed iyo inay sugaan nabadda iyo ammaanka iyo adeegga bulshada Somaliyeed.
Laga bilaabo sannadkii 2001dii faragelinta caalamka way sii shidday oo kala fogeysey qalalaasaha siyaasadeed, Xaaladda biniaadanimadana way kasii dartay ee Koonforta Somaliya. Taasi waxay dhashay in saddex malyan oo ruux ay gargaar binaadanimo oo deg-deg ah u baahdaan sannadkan 2009ka.

Tacsi

Medeshi
TACSI

INAA LI LAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Anagoo ah dhamaan bahda warbaahinta Medeshi waxaan TACSI u daraynaa dhamaan reer CAli XAAJI MAXAMED MAXAMOUD  - REER CALI CAMBE,

anagoo ka tacsiyadaynayna geeridii ku timi ilaahay haw naxariistee CALI XAAJI MAXAMED oo ku magac dheeraa CALI CAMBE oo ku geeryooday magaalada Hargeisa maanta oo isnin ah, bishuna tahay 01/02/2010, ilaahay haw naxariisto, dadkiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo, amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

Moxamed Sh. Axmed Cali
London
http://www.medeshi.com/

Markabkii Saliida siday oo la sii daayay

Medeshi
Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa siidayay markabkii saliida siday ee Greek, maalin kadib markii la siidayay lacag madaxfursho dhan 5.5 Million
Burcad-badeedda Somaalida ayaa sii daayay markabkii Saliida siday ee calanka Greek watay iyo 28 shaqaale ee saarnaa maalin kadib markii lacag madax furasho ah la bixiyay

Martida Makrafoonka iyo Axmed Siilaanyo

Medeshi
Barnaamijka todobaadkan waxaa marti u ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqonaya Maraykanka.

Muran u Dhexeeya Xisbiyada Somaliland

Medeshi
Xisbiyada UDUB iyo Kulmiye ayaa is dhaafsanaya eedaymo kulul oo la xidhiidha muranka ka taagan Guurtida.

Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Medeshi
Dawladda Kenya oo Al-shabaab Dusha ka Saartay Mudaharaadkii ka Dhacay Nairobi

Sunday, 17 January 2010
Nairobi (Togdhnews)- Dawladda Kenya, ayaa kooxda Al-shabaab ku eedaysay ay ku lug lahaayeen mudaharaadkii rabshadaha watay ee Jimcihii ka dhacay magaaladda Nairobi, kaasi oo lagaga soo horjeeday tacadiga

Sultan Mohammed Ahmed Ali : Suldaanka beesha M. Ismail Bari oo salaan raciyadiisii u diraaya



Al Salaama calaykum wa raxmatu laahi wa barakaatuhu. Aniga oo ah Sultan Moxamed Axmed Cali waxaan halkan salaan diiran uga soo dirayaa dhamaanba dadka reer Sanaag khaasatan beesha Muse Ismaciil oo aan Sultaan u ahay. Waxaa ku hambalyaynayaa sida ay beeshu isugu filaatay oo ay arimaha horumarinta wadanka qaybtoodii uga qaateen.
Waxaan u balan qadayaa hadii illahay ka dhigu beelaha gobolka Sanaag ee aan ka soo jeedo iyo derisyadoodaba  in ay sharaf iyo barwaaqo iyo nabadgelyo kuwada noolaadaan . Sidaas ayaan ku balan qaadayaa kuna shaqaynayaa waana sababta la ii caleemo saaray.
Wabilaahi al tawfiiq....

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay