12 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay Texas

12 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay Texas
Sarkaal ka tirsan militariga Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inuu toogasho ku dilay 12 askari oo Mareykan ah

Qarax lagu weeraray Saldhig Ciidan oo Magaalada Boosaaso ku yaalla

Isniin, November 02, 2009(HOL): Waxaa caawa fiidkii qarax miino lagu weeraray saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Biyo Kulule ee Magaalada Boosaaso, iyadoo qaraxaasna uu geystay khasaare dhaawac ah.
Qaraxaas oo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhawaacmay Taliyihii Saldhiggaas xukumayay iyo askar saldhigga ku sugneyd.

Dayaarad ay leedahay Daallo oo la afduubay

Dayaarad ay leedahay Daallo oo la afduubay

Waxaa la afduubay dayuurad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Daalo Airline oo ka duushay garoonka Bosaso.
Wararku waxay sheegayaan, in laba nin oo afduubay diyaaradda la qabtay iyo rakaabkina way badbaadeen.

Riwaayad: Daawada dadka macna la'anta isu qarxiya

Qarax Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay Oo Saaka Ka Dhacay Magaalada Laas-caanood

Laascaanood (Oodweynenews)- Qarax saaka abaaro 9:30 ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Afdhilo, isla markaana waxaaa ku dhaawacmay tiro kale.

UK: Haysashada qoysku dow ma aha

UK: Haysashada qoysku dow ma aha
Danjiraha Britain u fadhiya Nairobi, Robert Macaire, ayaa BBC la yeelatay wareysi ku saabsan Paul iyo rachel Chandler oo burcad badeed Soomaaliyeed ay ku haysato Xarar Dheere.

Somaliland : Xus Hargeysa

Medeshi
Xus Hargeysa
Maanta Hargeysa waxaa si weyn looga xusay weerarkii is qarxinta ahaa ee sannadkii hore lagu qaaday saddex goobood.
Weerarkaa waxaa ku dhintay 24 ruux.

Chanlder: Si wanaagsan ayaa naloola dhaqmay

Medeshi
Chanlder: Si wanaagsan ayaa naloola dhaqmay
Laba ruux oo British ah oo ay burcad badeed Soomaaliyeed ku hayaan Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay.

Congress-ka oo ka doodaya mooshin Somalia ku saabsan

Medeshi
Congress-ka oo ka doodaya mooshin Somalia ku saabsan
Mooshinka uu soo bandhigay mudane Donald Payne, ayaa ugu baaqaya maamulka madaxweyne Obama inuu aqoonsi buuxa siiyo dowladda Sh. Sharif.
Waxa qoray Abdirahman Aynte
Washington Arboco, 28 October 2009
Mooshinka uu soo bandhigay mudane Donald Payne, ayaa ugu baaqaya maamulka madaxweyne Obama inuu aqoonsi buuxa siiyo dowladda Sh. Sharif, isla markaana uu safaarad ka furto magaalada Muqdisho, una oggolaado dowladda Sheikh Sharif inay iyana safaarad ka furato magaaladan Washington.

Puntland oo Qabatay $1.8 milyan Doollar Been Abuur ah

Medeshi
Puntland oo Qabatay $1.8 milyan Doollar Been Abuur ah
Waxa qoray Nuux Muuse
Garowe Arboco, 28 October 2009
Doollar Been Abuur ah
Booliiska gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay inay ninkaasi qabteen 17-kii bishan oktoobar isaga oo wata laba kartoon oo ay ka buuxdo lacag doollarka Maraykanka ah.

Somaliland: Guddigii doorashada oo la dhaariyay

Medeshi
Somaliland: Guddigii doorashada oo la dhaariyay
Xubnaha guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta lagu hor dhaariyey Madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyayasha mucaaradka
Waxa qoray Sahra Ciidle Nuur
Hargeysa Arboco, 28 October 2009
Xarunta madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu dhaariyay 7-da xubnood ee dhawaan loo magacaabay inay noqdaan guddiga doorashada Somaliland.
Dhaartaasi waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaradka Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo Ucid Faysal Cali Waraabe.

Shirkada Dahabshiil Oo Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jartay Adeeg-lacageedka Casriga Ah Ee Loo Yaqaan “E-Cash”

Medeshi
Shirkada Dahabshiil Oo Maanta Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jartay Adeeg-lacageedka Casriga Ah Ee Loo Yaqaan “E-Cash”
Hargeysa (Oodweynenews)- Shirkadda Xawaalada Dahabshiil, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay furtay adeeg-lacageedka casriga ah ee loo yaqaan ‘E-cash’, kaas oo u sahlaya macaamiisha shirkadu inay lacagtooda Kaadh ku shuban karaan, isla markaana ay u adeegsan karaan guud ahaan adeegyada kala duwan ee wax-iibsigu ka mid yahay iyo weliba Depit Card-ka.

Xabsiga Magaalada Boosaaso oo ay ka dhacdey fadeexadii Abu Ghuraib oo kale

Medeshi (Somali Page)
Xabsiga Magaalada Boosaaso oo ay ka dhacdey fadeexadii Abu Ghuraib oo kale
Sunday, 25 October 2009 16:06
Maamul Goboleedka Bariga Soomaaliya ee Puntland ayaa beryahan wadey falgalo ka dhan ah Shacabka Ogadeniya ee ka soo barakacay xasuuqa ay Itoobiya ka wado Ogadeniya. Falgaladan oo maamulka Puntland ugu adeegayo Xukumada Itoobiya.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay