Somaliland- Khilaafkii Xisbiga UCID Oo Go'aan Laga Gaaray

(VOA)- WASHINGTON. DC — 
Guddida diiwaan gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay go'aan ka gaareen khilaaf in muddo ah u dhaxeeyay labada garab ee Xisbiga UCID.



Guddidan oo maanta go'aanka kaga dhawaaqay madal ay ku sugnaayeen labada garab ee xisbiga UCID, ayaa sheegay in go'aankoodan ay u cuskadeen xeer-hoosaadka xisbiga iyo gar-maqalkii dacwadda ee labada dhinac.

Waxaanay nuxur ahaan go'aamiyeen in muddo 45 maalmood gudahood ah oo maanta ka bilaabanta la qabto Shirweyne loo siman yahay, laguna ansixiyo qoddobadii la isku diiddanaa qaarkood oo ay ka mid tahay musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen.
Weriyaha VOA ee magaalada Hargeysa, Barkhad Kaariye oo kulankaasi goobjoog ka ahaa, ayaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay