Sanadkii Afrika (1960) muu noqon sanadkii Somaliland





Sanadka 1960-kii waxa uu diwaanka taariikhda ku galay amma loogu yeedhaa sanadkii Afrika sababo dhawr ah aawadood. Hadaba xuska 55-naad ee 26-ka June awgeed bal aynu dib u jaleecno sababahaas iyo halkey Somaliland kaga jirtey. 

Dhacdoodyinka sababey in 1960 uu noqdo sanadkii Afrika waxa ay yihiin:

1. 17 dal oo Afrikaan ah ayaa ka madax-banaanaadey amma ka xoroobey xukunkii gumeysiga.
2. Orodyahaankii ugu horeeyay ee Afrikaan madaw ah (Ethiopian Abebe Bikila) ayaa bilad dahab ku guuleystay ciyaarihii Olympic-ga ee Rome ka dhacey sanadkaas.
3. 14-kii December ee isla sanadkaas waxa ay Jimciyada Quruumuhu (UN) qalinka ku duugtey qaraarkii ahaa in xoriyad la siiyo wadamadii gumaysiga ku hoos jirey (UN declaration on the granting of independence to colonised countries and people)
4. Waxa kaloo sanadkaas qaarada saaqey dareen Afrikaan-nimmo (Pan-Africanism sentiment)

Somaliland halkey kaga jirtey dhacdooyinka sanadkaas waxa weeye iyadoo ku jirtey 17-kii dal ee 1960-kii xoriyada qaatey iyadoo waliba aheyd wadankii 4-raad oo isla maalin madax-banaanida qaateen Jasiirada Madagascar. Balse waxa isweydiin mudan halkeynu kaga beedhney iftiinkii sanadkaa bidhaamey ee unkey wadamada badan ee Afrika-da ah ee aynu maanta magacyadooda wada naqaano?

Markii 26-kii June 1960 qaadaney madax-banaanideenii waxa maalintii ku xigtey ee taariikhdu aheyd 27-kii June fadhiistey Baarlamankii Somaliland oo ka doodey sharciyada midawga lala midoobayay dalkii Somalia Italiana. Dood ka dib Baarlamankii Somaliland wuxu ansixiyay midawgii bilaa shuruuda ahaa ee Somaliland iyo Somalia. Shurucda midawgu (Act of Union) wuxu ahaa sharcigii ugu horeeyay (Law No.1) uguna dambeeyay ee Baarlamanka Somaliland ee madaxa banaanaa ansixiyo.

Ansixinta axdigii ama sharciyadii midawgu (Act of Union) waxa ay sadqaysay madax-banaanidii maalin ka hor la helley waayo waxa qodobka ugu horeeyay axdigaasi dhigayay sidatan: Dawlada Somaliland iyo dawlada Somalia waxa ay ku midoobayaan oo ay waligood mid ku ahaanayaan Jamhuuriyada cusub ee madaxa-banaan ee dimuqradiga ah magaceeduna noqon doono Jamhuuriyada Soomaalida (the State of Somaliland and the state of Somalia do hereby unite and shall forever remain united in a new, independent, democratic, unitary Republic the name whereof shall be the Somali Republic). Arinka 26-ka June taariikhda Afrika ka saarey waa dhacdaadii 1-da July iyo maalintii xoriyada Somalia. Halkii reer Somalia 1-da July ka hor Baarlamankoodu ka ansixin lahaa sharcigii midawga ee Somaliland soo ansixisey si midawga 2-da dal sharci u noqdo, 1-da July-na loo dabaal daggo 2-da dhacdo ee kala ahaa xoriyada Somalia iyo midawgii Somaliland iyo Somalia, ayaa waxa ay dhagaha ka fureysteen codsigii reer Somaliland oo waxa ay agaasimeen uun xafladii madax-banaanidii Somalia.

Waxa xusid mudan qoraalkii (article) jariirada Daily Mail ee London ka qortey dhacdadaas oo ciwaankiisu ahaa: The colony that rejected independence (Maxmiyadii diidey madax-banaanida).

Xaqiiqadu waxa ay tahay in Somaliland laga bilaabo 1-dii July 1960-kii ilaa iyo lagasoo gaadhayay 18-kii May 1991-kii ay ahayd dhul ay Somalia xoog ku haysato oo ay gumaysato. Taasi waxa cadeyn u ah iyadoo reer Somalia xashiishka ku dareen axdigii midawga ee Baarlamanka Somaliland ansixiyay, ka dibna 2-dii waddan ee midoobey magacoodii Somalia u bixiyeen oo halkaas taariikhdii Somaliland lagaga tirtirey qalbiga dadka iyo maalmaha madax-banaanida Afrika. Sidaas ayeey Somaliland uga qadey iftiinkii 1960-kii baxey oo ay qeyrkeed uga hadhey.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay cashar ma laga bartey khaladkaas dhabar jabka ahaa oo jiilka maanta joogaa ma ka hortaggi karaan in ay taariikhdu soo rogaal celiso?
Aniga calaamado (signs) suurta galin kara rogaal celin taariikheed ayaa ii muuqdoo wadnahaan farta ku hayaaye bal ha la foojignaado!

Hambalyo sanadguurada 55-naad ee 26-ka June.

Allow adaanu magan kuu nahay.

Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
iidsl@hotmail.com 

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay