‎Somaliland‬ Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo diiday codsi xisbiga Wadani inay qabtaan banaan bax khamiista soo socota

‪Somaliland‬ Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo diiday codsi xisbiga Wadani inay qabtaan banaan bax khamiista soo socota :

 KU:TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA= OG:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADDA & DEGMOOYINKA DALKA =RUGTOODA= UJEEDO:- WAGELIN Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12th May2015. Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani eek u taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Samli ah taasi oo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqadda. Haddaba Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaala ee khuseeya arrintan, waxay diiday codsiga warqada xisbiga Wadani, kuna sababaysay sidan tan: Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga 2.Iyada oo la eegayo xaalada hada dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo noqoshada xoriyada 18 may. 3.Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida Dalka. 4.Iyada oo aanay xisbiga Wadani qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada . Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale. Iyada oo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka. ALLAA MAHAD LEH CALI MAXAMED WARAN-CADE WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay