Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta dalka ku soo laabtay

(Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib hawlo shaqsi ama fasax-gaaban oo uu madaxweynuhu ku joogay Wadanka Ingiriiska.


Ayaa maanta waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka gaar ahaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyadoo lagaga hortegay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeysa, waxaana soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Mujaahid Maxamed Kaahin, Xubno ka mida Golaha Wasiirada Somaliland, Xildhibaano uu hormood ka yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanku, Wasiir ku-xigeeno, Taliyeyaasha Ciidamada kala Duwan ee Dalka, Marwooyin badan oo ka socday Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland  iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ka dibna waxa jidadka waa weyn ee caasimada ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo lulaayey caleemo, Calamo, Sawirada Mdaxweynaha iyo Ubaxyo.

Waxaanu madaxweynuhu soo gaadhay Qasriga Madaxtooyada oo ay ku sugayeen masuuliyiin badan oo ka mida Xukuumada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL.

Halkan ka dhegayso

https://www.sendspace.com/file/c18i90

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay