Dhaqaatiir ka qalin jabisay J. Hargaysa

labaatan iyo laba arday ayaa ka qalin jebisay jaamacadda Hargeysa iyagoo bartay xirfadda dhakhtarnimada.


Hormoodka kulliyadda caafimaadka jaamacadda Hargeysa Dr Diiriye Ismaaciil Ereg, ayaa BBC u sheegay in tirada guud ee shanta dufcadood ee dhakhaatiirta noqday oo ka qalin jebiyay kulliyadan caafimaadka ay dhanyihiin 98 dhakhtar.

Wuxuu sheegay in haatan ay ka hawlgalaan dhakhaatiirtaasi ay soo saareen cisbitaallada gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Wuxuu sheegay inay wax weyn ku soo kordhiyeen oo bulshadooda ay u shaqeeyeen.

Hormoodku wuxuu sheegay in dufcaddan 5aad ay muddo 7 sanadood ah ay baranayeen dhakhtarnimada. Wuxuu sheegay inay ka caawiyaan xagga imtixaanaadka iyo manhajka hay'ado dibedda ah sida cisbitaalka ku yaalla London ee Kings College iyo hay'adda daawada ee Teth.

Qaar ka mid ah ardayda qalin jebisay ee shahaadada dhakhtarnimada la gudoonsiiyay, ayaa sheegay mar dareenkooda la weydiiyay, inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin inay yoolkoodii gaadheen oo ay wax barteen, gaar ahaan inay dhakhaatiir ay u noqdaan dadkooda u baahan oo ay ugu shaqeyn doonaan.

Dufacaddan loo qabtay xafladda qalin jebinta ee dhakhaatiirta noqotay oo dhawr dumar ay ku jiraan, ayaa waxaa ka soo qayb galay xafladooda masuuliyiin sare oo ka tirsan Somaliland, hay'adaha samafalka caalamiga ah qaarkood, ardayda jaamacadda Hargeysa qaarkood iyo waalidiinta.

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay