WAA AYAAN DARRO HADII ILAA HADA GUULDAROOYINKA KU SAABSAN AIRPORTKA, DIYAARADII ITIYOOBIYA, SHIRKADII SHIDAAL

Medeshi blog - WAA AYAAN DARRO HADII ILAA HADA GUULDAROOYINKA KU SAABSAN AIRPORTKA, DIYAARADII ITIYOOBIYA, SHIRKADII SHIDAAL CIDNA U QOOLNEYN IYO waxaa hubaal ah in aqoonsiga Somaliland xukuumadani xiyiraad ku tahay

Xukuumadan tan intii ay tallada lawareegtey waxa isa soo tarayey maamulxuda, musuq maasuqa, qaraabokiilka iyo qiimihii dowladnimo ee Somaliland oo marba marka ka danbeysay hoos u dhacayey. Se maanta waxaa cad oo markhaati madoon ah in dalkii maraayo halkii ugu hooseeyey oo xukuumadani waxay soo idho ad kaataba oo marka dhaliileheeda la hogo tusaaleyaba ka doorbidey inay wax ku qadato daayo  cabudhis, diifaac been ah, cadiifad hadal wata aflagaado iyo hanjabaad. Haddaba  waxaa ifka u soo baxay oo dalkii meel kasta sidii like ka soo fuurey maamulxumida dhamaan wasaaradaha xumuukada Mx. Silaayo.
Waxaa adoon meelfogba ka doonin usbuucyadii u danbeeye debedda u  soo baxay fedeexado kuwii ugu waa weynaa ee ay xukuumadani dalka ka gasho iyo waliba waa idho adaygii lagu yaqiinee jawaab xumada, xisaab la’aan iyo welibe wax isweyn la’aan  ku saabsan halka ay waxka xumaadeen.
Waxaa ka mid ah oo aad iyo aad uga xunay  sida Xukumadu u maamushay  shirkadii shidaal qodista Genel Energy  taas oo kaliftey in ay dalka ka laablaabto joojisana baadhitaankeedii, sababta ugu weyn ee shirkadani dalka uga baxday waxay laxidhiidhaa maamul xumo iyo musuqmaasuq  iyo arimo dublimasiyeed oo dalka Ingiriisku kow ka yahay, oo anay xukumadu dhaadinba ilaa dhirbaaxo dhegta loo darey, laakiin waxay ku mashquulsaneyn qandarasyada shirkadu bixiso iyo baayactan la xidhiidha dano gaar ah.
Sidoo kale waxaan aad iyo aad uga xunay  Dhismahii Airportka Hargeysa oo fashilmay oo waxuu wasiirkii duulista iyo hawadu difaac iyo faan la soo taagnaadoba dowlada Itiyoobiya  warkiisii fashilisay taasina kaliftey in  duulimaadyadii diyaarada Ethiopia guud ahaanba joogsato. Tani waxay i xasuusisay heeso layidhi xamaaliinta dekeda Berbera markay rashinka rogayaan ayey ku  heesijeen waqtigii taliskii siyaad Bare oo ahayd “Jawaan  goday tagay baadigoobay, meeluu shalay marey oon midh kaga dhicin meehanaabey” oo maanta  ah “DOLLAR  YURUB TEGAY OON MADAAR GELIN BAADIGOOBEY” Waxaa cad hadaba  inuu dhismihii airportku fashilmay  ilaa hadana cid loo casilay, ka hadashay ama masuulka guuldarada qaadatey aan lahayn, waxaa markaa hubaal ah in loo baahan yahay deg deg in loogu saaro gudi ay ku jiraan dad aqoon u leh dhismaha airporyada  iyo dadkii deeqda bixiyeyba.
Ugu danbeyn waxaan aad iyo uga xunay shabka ku dhibaateysan jidadka isku xidha Hargeysa iyo Jigjiga markii diyaaradii keentey berbera la joogiyey ilaa hadana xukuumadu waxay u qabato taayo ayna kaba hadlin.
Waa ayaan daro maalinba maalinta ka danbeysa seetada sii dheereysanaysa, waa lexejeclo laan ka muuqata maamulka tallada haya, waa aqoon xumo idho adayg leh, waa damiir xumo damac badan, ugu danbeyntii waa dulinimo hadaan umadu ka tashan cadowgeen inoo jebin doonta.
Guntii iyo gebagebadii waxaa hubaal ah inta aan ka war hayo in Somaliland aqoonsigeedii xitaa ay xukuumadani hortaagan tahay  waayo aduunku aad iyo aad buu ugu heelanyahay aqoonsiga Somaliland laakiin waxaa  hakiyey  maamulxumida iyo iwm oo cadeyn ay u tahay sababaha shirkada shidaalka dalka looga saarey.
Alla weyn ninkii aaminaa awoodleh, ummad waliba ayaheeda inay garato iyadaa leh

Muhamad Jama Koodbuur (shine)
Gudoomiyaha UK ee xisbiga UCID

Bookmark and Share
-->

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay