Somaliland : DERAJADA HAWEENKA IYO KULANKII MARWADA (Sawirro)

Medeshi blog - Maanta oo ay taarrikhdu tahay 11/09/2013 waxa Hotel Ambassador Hargeisa lagu qabtay xaflaad aad u balaadhan oo lagu xusaayey doorka haweenku ku leeyihiin xukuumada gaar ahaan waxa ay xafladani si gaar ah u khusaysay Haweenka Ciidamda kala duwan ee qaranka ku jira kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay qaateen marka loo-eego derajo bixintii Ciidamada qaranka oo ay haweenkani ka heleen Gaashaanleyaal, Kabtano, Xidigle, Saddex Xadhigle, Laba Xadhigle, Xadhigle, Saddex Alifle, Laba Alidle, iyo Alifle.

Xafladan oo ahayd mid qiimo badan oo ay ka soo qaybgaleen bulshada qaybeheeda kala duwani waxa soo qaban qaabisay La taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Marwo Amaal Xaaji Miisaan iyada oo ay martiqaadkana u fidisay ka soo qabgalayaasha iyo haweenka la martiqaadayba Marwada koowaad ee qaranka Marwo Amina Xaaji Maxamed Jire oo halkaasi hadal dheer oo dhiirigelin iyo dardaaran ahba ka soo jeedisay.
Photo from Somaliland Sun





Bookmark and Share
-->

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay