Somalia : Dastuurka cusub oo loo ansixiyay

Golaha dastuuriga ee Soomaaliya ayaa waxa ay ansixiyeen dastuurka shir hadda ka socda magaalada Muqdisho.
Golaha ayaa waxa ay fadhiyeen muddo toddobaad ah magaalada Muqdisho, waxaana hadda ay isku raaceen oo ay ansixiyeen dastuurka cusub kaasi oo looga baxayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya ay ku jirtay.
645 ayaa u codeysay, 621 ayaa oggolaatay, 13 waa diideen, 11 waa ay ka aamustay.
Dastuurka cusub ayaa waxa uu ku saleysan yahay nidaamka federalka ah, waxaana uu xaq u siinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb 30% ku yeeshaan baarlamaanka.
Dhinaca kale waxaa lagu soo warramay in laba qarax ay ka dhaceen xarunta shirku ka dhacayo.
Waxaa inta la ogyahay waxa ku dhintay hal booliis ah iyo labadii is qarxisay, waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale. BBC

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay