Marshaale oo lagu dilay Muqdisho

Cabdi Jeylaani Marshaale waxa uu ahaa majajaaliiste aad loo jecelyahay . Cabdi Jeylaani Malaaq oo ah fanaan caan ku ah majaajilada ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.
Cabdi Jeylaani oo loo yaqaan Marshaale waxaa majaajiladiisa laga sii dayn jiray idaacadaha iyo telefishanada Soomaalida.

Laba nin oo aan la garanayn oo bistoolad ku hubaysan ayaa la sheegay inay marxuuumka rasaas ku fureen isaga oo joogay gurigiisa hortiisa.

Marxuumka ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu soomanaa.

Dhaawac rasaasta ka soo gaaray ayuuna u dhintay sida uu BBC u sheegay Yusuf Axmed Abuukar oo ay isla shaqeeyaan- BBC

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay