C/weli Gaas oo ku eedeeyay Labada Shariif Qaraxii lagula beegsaday Shalay Theatarka

Medeshi

C/weli Gaas oo ku eedeeyay Labada Shariif Qaraxii lagula beegsaday Shalay Theatarka

Muqdisho (Keydmedia) - Kadib Qaraxii Shalay ka dhacay Xarunta Tiyaatarka, ayaa waxa soo if-baxaya Warar xambaarsan dhiilo colaadeed iyo far-isku-fiiq u dhexeeya Madaxda sare ee Dowladda KMG.





R/wasaare Cabdiweli Gaas Qaraxii kadib waxey Qol isku xirteen asaga iyo Xubno kamid ah Qabiilkiisa asagoo wali salalsan ayuu xubnahaas waxuu u sheegay in labada Sharif ey doonayeen iney Qaarijiyaan, wuxuuna hadalka kusii daray Hada kahornah sidaas oo kale eyee isugu dayeen iney i Qaarijiyaan anigoo kormeeraya Aagaga ey Ciidamadda Qalabka sida ku suganyihiin.
Suu yirii Gaas "Waxaa la ii sheegay in Gabadha rabtay iney i disho ey aheyd harti Abgaal" Waxeyna intii mudaah seexaneysay Shaqanah laga siiyay Madaxtooyada. 
Waxaa la sheegay in gabadha is-qarxisay ay Habeen hore ku hoyatay guri u dhow xarunta madaxtooyada oo ku yaala agagaarka qabuuraha Shiikh Suufi, gurigaas oo lagu sheegay inay daganaayeen qoys beesha Mudulood kasoo jeeda, waxayna intaas raaciyeen in gabadha laga soo galiyay albaabka gadaale ee Tiyaatarka ee u furan dhanka Shiikh Suufi.
Asagoo Salalkii Qaraxii ka muuqdo wuxuu ku celceliyay in Dariiqaan ey bilaabeen Labada Shariif ey ayagu ku bixi doonaan.
Qolka Shirka waxaa goobjoog ahaa Wasiirkii hore Cirro iyo 8 Xildhibaan oo R/wasaaraha isku Jufo Beeleed yihiin.
Waxaa la isweediiyay Labada Shariif ineysan Goobta Xafladu ka dhaceesay eysan imaan, taasoo ey u fasireen in ey Labada Shariif arrinta wax ka ogaayeen.
Xildhibaan Maxamuud Cilmi oo 8-da Xubnood Shirka Goobjooga ka mid ahaa oo Keydmedia Xog-warankaan siiyay ayaa wuxuu si careysan u yiri "Waan naqaanaa Nabadda, waana naqaanaa Collaada ee Labada Shariif waa iney mid doortaan".
Keydmedia Baaritaan ayee ku wadaa Qaraxii Shalay dhacay iyo Qilaafkaan Madaxda Dowlada soo dhex galay! Faahfaahin fillo dhawaan.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay