Hees : Dad hadaad is qabataan - A Mooge . by Kooshin

A Mooge]  vocals by : Kooshin

Hoos ka akhri midhaha heesta :

Dad hadaad is qabataan
Ilayn waad la doodaa
Dugaagoo ku weerara
Yurbaa lagula dabaalaa
Duufaanka xooga le
Waa laga ducaystaa
Shaykastoo nafta u daran
Waxbaa lagula daalaa
Belo waxa u digo kulul
Damci xume jacalylkaa
Daan daansi badanaa
Waa dira diraalee
Ninku maalintaa dago
Ama uu la helo dabar
Ayaa diifta abadkii
Dusha aad ka garataa
Darani inuu helay
Uu dakharo kaga tagay
Ana doorkan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu may dulgaysaa
Naftu naftu naftu
Naftu haysku duubtee taa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa

Dabku huro jaleecada
Oo ka beermo daymada
Dunqulaalka shaydaan
Dedo iyo xanuun iyo
Dabkay huriso barashadu
Inuu cudur da wayn yahay

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay