Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo Sheekh Shariif oo uu Shaariqa ku wada Martiqaaday Sheekh Xamdaan

Sheekhu waxa uu Somaliland ugu yeedhay sidii ay Kaalmadda uu siinayo Sh Shariif u martiyi lahaayeen
Waftiga Somaliland Waxay ahayd Sabtidii inay baxaan, waxaase dib u dhigay Fiise loo samaynayo Xubin ka mid ah
Hargeysa(Waaheen) Wasiiradda wasaaraddaha Madaxtooyadda Xirsi X Cali, Arrimaha Dibedda Maxamed C/laahi iyo Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale ayaa la filayaa berri inay safar aan ujeedadiisa la garanayn ugu baxaan Dalka Imaaraatka Carabta.
Sida Waaheen ku helay xogta safarkan ilaa hada lama garanayo ujeedada dhabta ah ee ay wasiiraddani u tagayaan Imaaraatka Carabta hase yeeshee waxa la filayaa in ay u tagayaan ambaqaadka Heshiisyadii ay la soo galeen Amiiradda Imaaradaha Carabta oo aanay ilaa hada jirin wax ka fulay, iyadoo ay xukuumadda Somaliland hore u sheegtay in loogu soo balanqaaday Mashaariic waaweyn oo wax ka taraysa baahiyaha ka jira Somliland.
Warar kale ayaa sheegaya socdaalka weftiga Wasiiradda ah inuu yahay martiqaad uu u fidiyay Sheekh Xamdaan Binu Saa’id oo ah guddoomiyaha bisha cas ee Imaaraadku, kaasoo wakhtigan wada kaalmo uu u qaybinayo dadka tabaalaysan ee ku Macaluulaya Somaliya, taasoo uu Somaliland-na doonayo inuu qayb ka siiyo Kaalmadaasi maadaama oo uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan mar uu dalkaas booqday ka dalbaday in Sheekha  iyo Hay’addiisu siiyaan Mucaawino ku qotonta dhinacyadda Adeegyadda Asaasiga ah ee Biyaha iyo Cuntadda.
Warar kale ayaa sheegay isla berri in uu Shaariqa imanayo wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya Sh Shariif Sh Axmed kaasoo lagu wareejinayo Mucaawino ay Hay’adiisa Bisha Cas ku caawinayso dadka ku Macaluulaya Somaliya taasoo uu doonayo Sheekhu intaanu ku wareejin in uu wadahadal u furro labada dhinac sidii ay Xukuumadda Somaliya Mucaawinadaas wax uga siin lahayd Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa labada wefti ee Somaliland iyo Somaliya ka socdaa inay isku soo horfadhiisan doonaan Kaalmadaasi iyadoo safarkii hore ee ay weftiga Somaliland ee uu Madaxweynuhu hogaaminayayna sidan oo kale kulamo u wada yeesheen Wasiiro labada dhinac ka kala socday kuwaasoo ka wadahadlay Arrimaha Budhcad badeeda iyo Mashaariicda Horumarinta ee ay Amiiradda Imaaraadku Somalida u fidiyaan sida Kaalmooyinka Dawooyinka, Biyaha iyo Raashinka kuwaasoo ay Somaliland ka soo gaadheen Qadar koobani
Sida ay sheegeen ilo u dhuundaloola safarkani waxay ahayd inay weftigu dalka ka ambabaxaan sabtidii hase yeeshee waxa la sheegay inay dib ugu dhaceen sabab la xidhiidha mid ka mid ah xubnaha weftigaas oo uu Sheekhu u wado sidii uu Fiise ugu soo saari lahaa Baasaaboorkiisa oo Somaliland ah awgeed maadaama Wasiiraddu ay haystaan Baasaabooro Ajanabi ah.
Talaabadan dib u dhigtay weftiga ayaa u muuqata aqoon yaraanta xukuumadda ka haysata dhinaca Dublamaasiyadda iyo Safarada dibedda sida aanu ka helnay ilo xogogaal ahna  waxa weftiga Wasiiradda ah kula xidhiidhay Telefoon qof aan ahayn masuuliyiinta Imaaraadka oo iskaga dhigay dadka hawsha u wada, kaasoo ay uga warameen ujeedada safarkooda
Short URL: http://waaheen.com/?p=19950

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay