Madaxwaynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka dagay Garoowe (SAWIRRO)

Medeshi|HOL |



Axad, Ogoosto 28, 2011 (HOL) - Madaxwaynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ,iyadoo si wayn ay u soo dhaweeyeen madax kala duwan oo ka tirsan maamulka Puntland.
Masuuliyiin uu kamid yahay madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed iyo madaxwayne ku xigeenka ayaa ku qaabilay madaxdii ka socotay federaalka Garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland.
"Hadda waxa uu madaxwayne Shekh Shariif gacan qaadayaa masuuliyiintii soo dhawaysay oo uu ugu horeeyo madaxwayne Faroole," ayuu yiri wariye Maxamed Axmed oo ku sugan garoonka,iyadoo soo dhawaynta madaxwaynaha maanta si aad ah looga dareemayay guud ahaan Puntland.
Ammaanka garoonka ayaa si wayn loo adkeeyay ,iyadoo wadooyinka kala duwan ee caasimadda lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan laamaha amniga ,waxaana loogu tala galay in ay ka hortagaan wax kasta oo qalalaaso ku keeni kara soo dhawaynta madaxwaynaha Soomaaliya.

Safarka uu Sheekh Shariif ku soo gaaray Puntland oo ah kii ugu horreeyay ayaa waxaa ku wehliya wasiiro ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliyo iyo mudanayaal barlamanka ka tirsan ,waxaana inta ay joogaan ay la kulmi doonaan madaxda Puntland sida madaxwayne Faroole.
Sidoo kale soo dhawaynta madaxwayne Sheekh Shariif waxaa ka qayb qaatay Ra'iisul-wasaare C/wali Maxamed oo isagu Jimcihii la soo dhaafay soo gaaray Garowe,waxaana safarka uu ahaa mid horay loo filiyay ,xili dhawaan la qaban doono shir wada tashi ah oo dhinacyada Soomaalida ay ku kulmi doonaan.
Ugu danbayntii madaxwayne Sheekh Shariif oo markii danbe loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada ayaa kulan waxa ay wada qaadan doonaan madaxwaynaha Puntland si ay loo hagaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Federaalka oo ahaa mid aan wanaagsanayn labadii sano ee ugu danbaysay.


Faysal Maxamed Hassan,Hiiraan Online

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay