Iskudhac Somaliland iyo Puntland

Medeshi

Wafdi ay ka mid yihiin xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somaliland, ayna ku jireen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sool, ayaa lagu weeraray meel u dhexaysa Taleex iyo Laas-Caanood.
Weerarka kadib ayaa wararku sheegayaan in kooxdii weerarka soo qaaday ay qabsadeen inta badan xubnihii wafdiga iyo baabuurta ay wateen.
Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali ayaa hoggaaminayay wafdiga la weeraray hase ahaatee isagu waa uu ka badbaaday inuu ka mid noqdo kooxda la kaxaystay.
Puntland si kale ayay arrintan u dhigtay iyagoo sheegaya in wafdigaasi ku soo xadgudbeen deegaannadooda ayna iska difaaceen. wasiirka warfaafinta ee Puntland, Axmed Cali Askar, ayaa arintaas uga warramay Yusuf Garaad Cumar oo London jooga.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay