Dagaal ka socda Tripoli

Medeshi- BBC
Dagaallo ayaa ka socda meelo kala duwan magaalada Tripoli afar bari ka bacdi markii mucaaradka ay soo galeen magaalada.
Wariyaha BBCda ayaa sheegaya in dagaaal uu ku dhexmarayo dhowr xaafadood mucaardka iyo ciidamada daacada u ah Qadaafi.
Jidadka magaalada ayaa cidlo ah, mid ka mid ah dagaalyahanada mucaaradka ayaa sheegay in dacaal culus uu ka socdo xabsiga Triboli agtiisa.
Waxaa jira warar sheegaya in ay dad dhismayaasha korkooda jooga ay xabado soo ridayaan.
Askarta mucaaradka ayaa waxay xooga saarayaan inay qabsadaan magaalada Sirte oo ah magaaladii Qadaafi uu ka yimid oo u dhaxaysa Tripoli iyo Bengazi.
Hayadda ICRC ayaa sheegtay in labada dhinac ee Libya ku dagaalamaaya ay haysataan maxaaiis.
Afhayeenka hayadda ayaa Bbcda u sheegay in hayada ay booqatay maxaabiis, laakiin aysan ogayn cida masuulka ka ah maxaabiista.
Afhayeenka ayaa sheegay in ICRC ay ka digtay in labada dhinac ay ilaaliyaan sharciyada dagaalka.
Dhinaca kale waxaa jira cunto iyo biyo yari iyo koronto la'aan meelo badan Tripoli.
Wariyaha BBCda ayaa sheegaya in biyihii iyo korontadii la gooyay meelaha qaar tukaamo badana ay xiran yihiin.
Dahaqaatiirta ayaa bixinaya faahfaahin dhaawacyo xun oo isbaatalada lakeenayo,waxayna sheegeen inay la halgamaayaan dhaawacyada tirada badan

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay