Yaa iska leh eedda abaarta Soomaaliya

Medeshi| BBC |

Dadweynaha ay saameysay abaarta Soomaaliya
Tobanka ugu horreeya ee loo qabsan karo abaarta geeska Afrika waxay kala yihiin: Abaarta laf ahaanteeda marka laga yimaad.

1. Maraykanka, dad badani waxay qabaan inuu Soomaaliya soo eego oo keliya markay timaad dagaalka argagixisada lagula jiro, burcad-badeedda iyo saliid. Waxaa uu Maraykanku iska ilaaliyaa inaan lacagta gargaarku u gudbin kooxda islaamiga xagjirka ah ee al Shabaab oo inta badan gacanta ku haysa dhulka abaartu ka dhacday, isagoo sheegaya in kooxdani xiriir la leedahay al Qaacida. Taasi waxay keentay mowqif siyaabo kala duwan loo fasiran karo oo caqabad ku noqday barnaamijyo badan oo xagga gargaarka bani'aadanimada muhiim u ah.

2. Barnaamijka cuntada ee QM oo ah hay'adda ugu xoogga badan sidii loo soo afjari lahaa abaarta, hase ahaatee lacagta ugu badan oo Maraykanka ay ka hesho awgeed iyo siyaasad dhexda ay u gashay oo gacmaha ka xirtay ayaa dhibaato ku noqotay sidii ay wada shaqeyn uga heli lahayd deegaannada al Shabaab xukumaan. Weliba arrintani intaas way ka sii murugsan tahay. WFP shaqaale badan ayaa looga dilay Soomaaliya, taas oo sabab kasta u noqon karta inay taxadar muujiyaan.

3. Dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya ee reer galbeedku taageeraan oo ah mid aad daciif u ah dhul ballaaranna aan ka talin doorka ugu muhuumsan ee hadda ay ciyaari kartaana uu yahay inay wadada u banneyso dadka abaaraha wax ka qabanaya. Dad badanna waxay qabaan in colaadda dabada dheeratay ay uga sii dartay xaaladda abaarta.

4. Al Shabaab waxay dileen shaqaale gargaar, waxayna hor istaageen hay'ado dibadda ah inay dadka caawiyaan.
5. Lacagta abaarta oo la doondoono waqti dambe oo dhibaato badani dhacday.

6. Warbaahinta oo arrintan aad muhiim ugu ah.

7. Kenya oo dadkeeda ugu nugul aan siinin taageero xagga xoolaha, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee aasaasiga ah.
8. Cid walba oo kale oo kaalinteedii ka gaabisay.

9. Isbeddelka cimilada. Haddii aad oggolaatid sayniska waa inaad aqbashid in abaartani ay dhaqso ku socoto siina cuslaaneyso sannadaha soo socda.

10. Tirada dadka oo sii kordhaysa ayaa muhiim ah iyaduna. Deegaanno ka tirsan woqooyi bari Kenya waxaa la sheegay in tirada dadweynuhu ay labanlaab noqotay tobankii sano ee la soo dhaafay laakiin tirada xoolaha aanay waxba ku kordhin.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay