Sunday, July 31, 2011

Eritrea oo lagu eedeeyay shirqool ka dhan ah shirka AU

Medeshi
Addis Ababa, caasimadda dalka Ethiopia
Warbixin ay qaramada midoobay soo saaray ayaa ku eedaysay Eritrea in ay ka dambaysay qorshe lagu weerari lahaa shirka midowga Africa ee gudaha dalka Ethiopia.
Kooxda la-socodka ee Qaramada Midoobay warbixin ay ka soo saartay Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in shirqoolka oo lagu carqaladeyn lahaa fadhiga midowga Africa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa bishii January ee sanadkan, ayaa u taagan isbadal dhinaca taaktiga ah ee howl-wadeenada sirdoonka dalka Eritrea.
Ethiopia ayaa ku eedaysay deriskeeda in ay tababartay mucaaradka si ay weeraro bomb uga fuliyaan gudaha magaalada goobo muhiim ah oo uu ku jiro hotel caalami ah.
Eritrea ay ku celisay beeninteeda in ay wax lug ah ku lahayd shirqool noocaas ah.

Bookmark and Share

No comments: