Cuqaasha Togdheer iyo Ololaha wacyigelinta xuquuqda muhaajiriinta

Medeshi

Togdheer(Togdhnews)-Koox ka tirsan madaxdhaqameedka Burco ayaa wacyigelin iyo kormeer ku soo maray deegaanka koonfurta Burco.

Xubahan cuqaasha ah ayaa socdaal isugu jira kormeer iyo wacyigelin ku soo mary tuulooyinka ay soo maraan dadka muhaajiriinta ah ee inta badan socoto ahaan ku dhexmara degaanka gobolka togdheer. Dadkaasi oo si tahriib ah looga soo daadgureeyo dalka Ethopia iyadoo sifo sharci darro ahna loo soo geliyo gudaha Soomaliland iyagoo u sii socdaala dhinaca magaalo xeebeedka Bosaso si ay uga raacaan doonyaha dadka u tahriibiya dalka Yemen.
Dadka ka ganacsada tahriibinta muhaajiriinta ayaa six un ula dhaqma inta ay ku jiraan socdaalkooda waxaana inta badan tahriibiyayaashu ay marin ka dhigtaan deegaanka dhinaca koonfurta Burco, halkaas oo ay si qarsoodi ah gaadiidka ay u isticmaalaan ku soo gudbiya, iyaga oo ku daadiya inta u dhaxaysa deegaankaasi iyo magaalada Burco.

Haddaba, qaar ka mid ah cuqaasha gobolka togdheer gaar ahaan kuwa ka soo jeeda degeenkaasi ayaa safar wacyigelin ah ku soo maray tuulooyinkaasi, iyagoo bulshada weynta deegaankaasi, guud ahaan kala hadlay arrimo dhawr ah oo ay ak mid yihiin, ilaalinta  xuquuqda  dadkaasi muhaajiriinta  oo ah dad aad jilicsan oo socoto ah, isla markaana ay ka horeeyaan dhibaato  farabadan  iyo  jid aad u dheer oo ay tahay in aan wax dhibaato ah loo geysan waxna la taro.
 Waxa ay cuqaashu ku booriyeen bulshada tuulooyinka  deegaankaasi in ay ka feejignaadaanin waxyeelo loo geysto muhaajiriinta inta ay ku sugan yihiin deegaankooda ciddii waxyeelo u geysatana ay ka hortagaan.
Ololahan wacyigelinta muhaajiriinta ayaa waxa fuliyey dalada Horn Mixed Migration Network, maalgelisayna hayada caalimaga ah ee International Organization for Migration- (IOM); iyadoo sidoo kale cuqaasha deegaanada Zaylac iyo Wajaale ay ka fuliyeen wacyigelin la mid ah; waxaana ololahani uu dabasocdaa tababaro dhawaan la siiyey cuqaasha ee dhawrista xuquuda muhaajiriinta.
Ololahan  wacyigalinta ee ay qaadeen  Qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka togdheer ayaa socday mudo  afar maalmooda,mana  aha markii u horeeysay ee cuqaashu   ay  ka sameeyaan  wacagalin tan oo kale ah  gobolka togdheer.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay