Bandaw lagu soo Rogay Laascaanod iyo Xukuumada oo ka Hadashay Bandawgaas

Medeshi
Laascaanod-(Togdhnews)-magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in lagu soo rogay magaaladaasi  bandow.
Bandowdaas ayaa yimi,  kaddib markii howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen wiil iyo gabadh sitay walxa laga sameeyo qaraxa iyo miinooyinka laga hago meelaha fog fog.
Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo arrintaasi wax laga waydiiyay ayaa ka gaabsaday, walow uu sheegay in marka baaritaannadu ay dhammaandaan warbaahinta loo soo gudbin doona.
Qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ninka la qabtay uu yahay nin lagu tuhunsanyahay in uu ka dambeeyay dhowr weerar oo ka dhacay magaalada Laascaanood oo ay dad ku dhinteen.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay