Baarlamanka Britain oo markii ugu horreysay ka qaybgalay dabbaaldegga munaasibadda 18 May

Medeshi
Baarlamanka Britain oo markii ugu horreysay ka qaybgalay dabbaaldegga munaasibadda 18 May FRIDAY, 20 MAY 2011
London (Togdhnews)- Dadweynaha reer Somlailand ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha ku dhaqan
dalalka qaaradda Yurub, ayaa isu soo baxii ugu ballaadhnaa abid ka hordhigay shalay xarunta Aqalka Baarlamaanka Britian ee Westminster .
Bannaabaxan oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee ka dhaca Britain oo ujeeddadiisu ahayd mid lagu taageerayey qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, ayaa ka qaybgalayaasha oo ahaa kuwii ugu badnaa, kana kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka Britain ka kooban yahay sida, Brimingham, Bristol, Bolton, Cardiff, Manchester, Liverpool, London, Sheffield, Coventary, Leicester, Milton Keynes, Sweden, Oxford iyo meelo kaloo badan waxa ay subaxnimadii hore ee shalay isugu soo urureen badhtamaha magaalada London ee caasimadda Ingiriiska.
Dadkaas oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 7,00 kun ruux oo sitay astaamaha Somaliland iyo boodhadh ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo lagu codsanayo aqoonsiga Somaliland iyo qaar ka tarjumaya horumarka Somaliland gaadhay muddadii 20-kan sanno ahayd ee ay jirtay, ayaa isugu soo baxay oo ku dabbaadegay shalay barxadda hore ee xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee magaalada London.
Bannaanbaxayaasha oo isugu jiray qaybaha kale duwan ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkaas, ayaa waxa ahaa kuwo dareenkoodu aad ku kacsanaa oo si qiiro leh ugu dhawaaqayay ereyo lagu taageerayo qaddiyadda Somaliland iyo heeso kale duwan oo ay ku cabbirayeen shucuurtooda sida heesta caan-baxday ee ‘Garnaqsi’ oo uu sameeyay abwaanka Cali Seenyo. Waxa kaloo halkaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka dadka reer Somaliland ku leeyihiin, iyadoo dadka ajaanibka ahna loo qaybinayay buug dhawr bog ka kooban oo guddida qabanqaabadu ugu talogashay in dadka lagaga dhaadhiciyo qaddiyadda Somaliland .
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Mr. Axmed Cumar Sangoore iyo guddoomiyahaa guddida qabanqaabada Eng. Maxameds Balayax, Guddoomiyaha SSUK Sucaad Carmiye Odowaa, guddoomiyaha dalladda xidhiidhisa jaalliyadaha Somaliland ee Yurub Mr. Cabdiraxmaan Cabdi Jibriil iyo isuduwaha guddida qabanqaabada Mr. Maxamed Cumar Meygaag oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood hambalyo iyo bogaadin ku beegan maalinta qaranimada Somaliland u diray shacbiweynaha reer Somaliland meel kastoo ay joogaan.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Md. Maxamuud Xaashi, ayaa si dulmar ah uga xog-warramay horumarka Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.
Masuuliyiinta kale ee munaasibaddaas ka hadlay waxa ka mid ah ah Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Yurub Mr. Siciid Cumar, Guddoomiyaha KULMIYE ee UK Ibraahim Xuseen Dakhare, Guddoomiyaha xafiiska qurba-joogga Saleebaan Maxamed, Ibraahim Ducaale Tallaabo oo ka tirsan guddida fulinta ee UDUB, Guddoomiye-ku-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo xubno matalaya haweenka iyo gobollada UK.
Sidoo kale, waxa halkaas hadal kooban oo hambalyo iyo bogaadin ah ka jeediayay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Britain oo ay ka mid yihiin Lord Aric Evebury, Lor Andersson, Alun Michael iyo laba xildhibaan oo laga soo doorto magaalooyinka Sheffield iyo Bristol, kuwaasoo dhammaantood ku hambalyeeyey shacabka Somaliland xuska munaasinadda 18 May.
Mr. Iid Cali Salaan oo ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland ee ku deggan Ingiriiska, ayaa isna ka warramay taariikhda maalintani leedahay iyo halgankii loo soo maray.
Damaashaadkan oo ku dhammaaday si nabadgalyo ah, ayaa markii laga dareeray waxa bilaamay munaasabado kooban oo lagu qabtay Aqalka Chatham House iyo Savoy Place, kuwaas oo lagu soo bandhigay horumarka dhinacyada badan ee Somaliland ku tallaabsatay, waxana ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, muadanayaal Baarlamaanka Ingiriiska ah iyo aqoonyahanno isugu jira reer Somaliland iyo British.
Dhinaca kale, jaaliyadda reer Somaliland ee dhaqan qaaradda Yurub, ayaa shaaca ka qaaday in ay Ra’iisal-wasaaraha Britian Mr. David Cameron u gudbiyeen qoraal ay kaga dalbanayaan in dawladdiisu si buuxda u aqoonsato madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee labaatan jirsatay.

TogdheerNews

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay