Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya oo ku sigtay in lagu qabto Berbera

Medeshi

Berbera- (TogdhNews)- Ciidanka Booliska ee madaarka Berbera ayaa ku guuldaraystay inay
qabtaan Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar, oo Isniintii ku sii hakaday Madaarka Berbera ka dib markii diyaaradii siday ay taransit ku sii martay magaaladaasi. Maxamed Cabdillaahi Oomaar, waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilalka wasiirnimo ka haya dawlada ku meelgaadhka ah ee dalka Soomaaliya, taasoo ay hore xukuumada Somaliland iyo goleyaasheeduba uga soo saareen go’aan qofka Somaliland u dhashay ee dawladaas ka qaybgala ka dhigaya qof ku kacay khiyaamoqaran, isla markaana ka soo horjeestay madaxbanaanida Somaliland.
 Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dawladda itaalka daran ee Soomaaliya wuxuu u sii jeeday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaanu ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta. Dad xilligaasi goobjoog ahaa oo ku sugnaa madaarka ayaa sheegay inuu diyaarada ka soo degay oo uu qadar ku sugnaa gudaha madaarka Berbera, halkaasi oo uu ka sii iibsaday sharaab iyo cuntooyinka fudud, ka dibna wuxuu si deg-deg ah ugu noqday diyaaradii Africa Airways ee uu la socday.
Ciidanka Booliska ee Madaarka Berbera, ayaa la sheegay inay ogaadeen xilli dambe oo diyaaraddu ay isku diyaarinaysay inay duusho, isla markaana ay wada fuuleen rakaabkii raacayey oo dhami, taasina waa talaabo muujinaysa feejignaan la’aanta Ciidamada amaanka ee ka hawlgala madaarka Berbera.
Ma aha markii ugu horeysay ee masuul ka tirsan dawlada Sheekh Shariif diyaarad ku soo maro garoomada Somaliland, hase ahaatee xiligii dawladii hore ayay dhawr jeer oo kala duwan diyaarado la soo fadhiisteen saraakiil ka tirsan dawlada ku meel gaadhka ah ee dalkaasi Soomaaliya.
Togdheernews
Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay