Wednesday, December 8, 2010

Soomaaliya oo loo soo celiyay safaaradda Nairobi

Medeshi|BBC |


Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa maanta xukuntay in gurigii safaaraada Soomaaliya ee Nairobi loo celiyo dowladda Soomaaliya taas oo si sharci darro ah looga iibiyay nin u dhashay waddanka Kenya.
Dhismaha safaarada ayaa si sharci darro ah loo iibiyay markii ay dowladdii hore ee Soomaaliya ay dhacday, waxaa nin ganacsade ah oo kenya u dhashay ka iibiyay xubno ka tirsanaa safaaradii Soomaaliya ee waagaas jirtay.
Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cismaan Adan ayaa BBC uga warramay xukunka.

Bookmark and Share

No comments: