Soomaali laga uruuriyay Eastleigh oo maxkamad la soo taagayo

Medeshi|BBC |


Xaafadda Eastleigh ee Nairobi
Xaafadda Eastleigh ee Nairobi
Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa la horkeenayaa boqolaal qof oo Soomaali ah, oo xukuumaddu ay xirxirtay xalay xaafadda Eastleigh ee caasimadda Nairobi.
Qaar ka mid ah dadkan la xiray, aya BBC u sheegay in inta badan dadka la qabtay ay Soomaali yihiin balse dhowr Kenyan ahna ka mid yihiin.
Mid ka mid ah dadkan, ayaa sheegay in saraakiisha amnigu ay dadka ka uruurinayeen waddooyinka, guryaha iyo maqaayadaha, iyagoo xiray dhamaan dadka ku guuldaraystay in ay soo bandhigaan aqoonsigooda.
Dadkan xiran ayaa sheegay in aan loo sheegin sabab loo soo xiray.
Maalintii Jimcaha ayaa nin Booliis ah uu ku dhintay weerar bombaano oo ka dhacay xaafadaas.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay