Qaxootiga Soomaalida oo lagu xadgudbo gudaha Kenya

Medeshi

Hay'adda Amnesty International, ayaa dhaleecaysay qaxootiga Soomaalida sida loola dhaqmo gudaha dalka Kenya.Warbixin goor dhow la soo saaray ayaa sheegtay in tobanaan kun oo dadka Soomaaliyeed ah ay khatar ku sugan yihiin.

Qaxootiga Soomaalida oo lagu xadgudbo gudaha Kenya

Amnesty International
Amnesty International
Hay'adda Amnesty International, ayaa dhaleecaysay qaxootiga Soomaalida sida loola dhaqmo gudaha dalka Kenya.
Warbixin goor dhow la soo saaray ayaa sheegtay in tobanaan kun oo dadka Soomaaliyeed ah ay khatar ku sugan yihiin, sababtoo ah marka ay ka soo cararaan dagaalada gudaha Soomaaliya, waxay xadgudubyo lagu kaco ka mutaan dalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya.
Weriyaha BBC uga soo warama bariga Africa, Will Ross, ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.

Warbixinta amnesty international, ayaa cinwaan looga dhigay "ka yimid nolol aan nabad lahayn tagayna nabad aan nolol lahayn".
Waxaa si aad ah ay warbixintu u dhaliilaysaa sida qaxootiga Soomaalida ah loola dhaqmo gudaha dalka Soomaaliya deriska la ah ee Kenya.

Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Warbixintan ayaa sheegay in shaqaalaha amniga ee Kenya ay si qasab ah dib ugu celiyeen dalka Soomaaliya dad magangalyo doon ama qaxooti ah, ka dalbaday lacag laaluusha ah, iyagoo sabab la'aan u xira iyo in qaarkood la iska qabto.
Xadka u dhaxeeya labada dal ayaa xirnaa muddo afar sano ah kadib dagaalada Soomaaliya markii ay soo xoogaysteen.
Waxaa tan loola jeeday in ay Kenya lagu sugo ammaankeeda. Balse Amnest International ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaalidu ay wali soo galaan Kenya, iyagoo soo mara dhinaca xadka. Hase yeeshee, maadaama rasmiyan uu xadku xiran yahay, lama diiwaangalyiyo, sidaa darteedna xukuumadda Kenya ma oga tirada soo gasha dalkeeda.
Kooxda xuquuqda aadanaha, ayaa sheegay in qaxootigu ay ka cawdaan ammaan xumo ka jirta xeryaha qaxootiga ee dadku aadka ugu badan yahay, taasoo qayb ahaan ugu wacan in ay ku sugan yihiin qaar niyadda ka taageersan kooxda maleeshiyada Islaamiyiinta Soomaaliya ee al-Shabaab.
Warbixinta ayaa soo gudbisay eedeyn ah in qaxootiga marmar qaar loo adeegsado ay bartilmaameed u noqdaan kooxaha dadka u qora Al-Shabaab iyo xitaa ciidamada Kenya oo ka dhex raadiyo dagaalyahanno ay ka horgeeyaan maleeshiyooyinka.

Magaalooyinka Kenya

Dhinaca kale qaxootiga Soomaalida ah ee gaara meelaha magaalooyinka ah, Amnesty International waxay sheegtay in ay u nuglaadaan xadgudubyada booliiska.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dhowr boqol oo Soomaali ah booliisku ay ka uruuriyeen xaafadda Soomaalidu ku badan tahay, oo ay qasab ku saareen baabuur waawayn.
Booliiska ayaa sheegtay in ay ku howljireen raadinta soo galootiga sharci darada ah, balse dad badan oo sharci haysta ayaa la soo xaabiyay intii howlgalku socday.
Warbixinta Amnesty International waxay ku baaqaysaa in bulshada caalamku ay gacan dheeraad ah ka siiso qaadashada mas'uuliyadda ka saaran martigalinta qulqulka qaxootiga soo gala dalkeeda.

Xeryaha Qaxootiga

Mid ka mid ah xeryaha qaxootiga lagu hayo, Dadaab, ayaa hadda ah magaalada shanaad ee dalka Kenya ugu dadka badan, iadoo ay ku nool yihiin ilaa sadex boqol oo kun.
Xaaladda halkaas ka jirta ayaa ah mid aad looga naxo, taasoo ay ugu wacan tahay dadka is dulsaaran ee xerada buux dhaafiyay.

Bookmark and Share

Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ah oo walaac ka muujiyay mudo dhaafka golayaasha deegaanada

Annaga oo ah Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaan waxaanu si wayn uga walaacsanahay